Isniin, December 31, 2007(HOL): Madfac habow ah oo ku dul-habsaday qoys ku noolaa Xaafadda Jen Daa’uud ee Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa sababay dhimashada 8 ruux oo 6 ka mid ah ay isku qoys ahaayeen, kuwaasi oo ku wada jiray guri cooshado ka sameysan.
Qoyskaas waxaa kaliya ka badbaaday Aabihii Qoyska oo lagu magacaabo Maadey Suufi , kaasi oo markii uu qoyskiisa madfaca ku dhacayay dukaan aan u dheereyn ka soo iibsanayay batari uu toosh ku daaranayay.
Madfacaas oo la sheegay in uu ahaa Hoobiye ayaa wuxuu ahaa mid xooggan oo dhawaqiisa laga maqlay xaafadaha u dhow guriga uu ku dhacay, wuxuuna isku daray hilibka xubnihii qoyskaas, kuwaasi oo ilaa saaka laga soocayay hilibkooda si loo aaso.
Bashiir Maxamed Jimcaale oo deris la ah qoyskaas ayaa HOL u sheegay in qoyska ay masiibada ku dhacday ay markoodii hore ka soo barakaceen dhinaca Degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, wuxuuna sheegay in ay ku noolaayeen guri burbursan oo ku yaala dhabarka dambe ee Dugsigii sare ee Jen. Daa’uud, kaasi oo ay ka dhex dhisteen Aqal ka sameysan qoryo iyo baakado la isku xir-xiray.
Bashiir waxaa uu sheegay in lixda qof ee qoyskaas ka geeriyootay ay la geeriyoodeen Nin waayeel ah iyo wiil dhalinyaro ah oo booqasho ugu yimid, kuwaasi oo aan guriga la deganeyn, wuxuuna intaas ku daray in dhibaatada qoyskaas soo gaartay ay tahay mid uur-ku-taallo leh.
Madfac kale oo isna ku habsaday qoys degan nawaaxiga Suuq Bacaad ayaa wuxuu geystay dhaawac soo gaaray seddex ruux oo qoyskaas ka mid ah, kuwaasi oo isugu jiray hooyadii qoyska iyo labo caruur ah oo ay dhashay.
Markii ay madfacaas ku dhacayeen qoysaskaas waxaa qeybo ka mid ah wadada 30ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Cali Kamiin iyo halka loo yaqaano furayaasha ka socday Iska hor-imaad xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka deriska la ah Qoyska xalay ku baaba’ay madfaca ku habsaday iyo dad kale oo uga soo gurmaday xaafado kale oo Muqdisho ka mid ah ayaa saaka waxay ku guuleysteen in la karfaneeyo meydadkii qoyska kadib markii lagu isku aad-aadiyay, waxaana lagu aasay Qabuuraha Shiikh Cali Cabdulle ee duleedka Magaalada Mqudisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






