15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo wada la-tashiyadii ugu dambeeyay ee Xukuumadda tirada yar ee uu soo dhisayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 31, 2007(HOL): Ra’iisla Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu magaalada Baydhabo ka wadaa la-tashiyadii ugu dambeeyay oo uu la leeyahay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo weliba Waxgarad ka socda Beelaha Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo soo dhisaya Xukuumad ka kooban 18 Wasiir ayaa wuxuu Xildhibaanada Beelaha Soomaaliyeed kala tashanayaa Xukuumadda tirada yar ee uu soo dhisayo, iyadoo ay xusid mudan tahay inay jiraan Beelo Soomaaliyeed oo ku doodaya in lagu tuntay qaab-qeybsiga 4.5 ee saldhigga u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaaraha oo ka kooban 18 Wasiir ayaa waxaa loo qeybsanayaa 4.5, iyadoo afarta beelood ee la sheego in ay waa weyn yihiin ay qaadanayaan min afar wasiir, halka labada soo hartayna ay qaadaneyso Beesha Barka lagu tilmaamo.

Laakin waxaa su’aali ka taagan tahay sida ay Beelo ku qanci waayay Xukuumadihii tiro badanta ahaa ee soo maray Dowladda Federaalka, isla markaana sheegi jiray in sed bursi lagu sameeyay ay ugu qanci karaan Xukumaad aad u tiro-yar, waxaana la saadaalinayaan in Xukuumaddan tirada yar ay khilaafaad ka dhex abuuri doonto Beelaha Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu horay u soo dhisay Xukuumad ay xubnaheeda ka koobnaayeen 73 Wasiir, taasi oo ay si weyn u dhaliishay Beesha Caalamka, waxaana la rumeysan yahay in soo yareynta xubnaha Xukuumadda uu ka yimid dhinaca Beesha Caalamka oo iyadu masruufta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay u harsan tahay wax ka yar labo sanadood.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).