15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dad ka cararayay dhibaatooyinka Muqdisho ka jira oo kooxo Burcad ah ay ku rasaaseeyeen Deegaanka Maryan Gubaay ee Gobolka Sh/Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 30, 2007(HOL):Wararka naga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Deegaanka Maryan Gubaay ee isla Gobolka Shabeelaha Hoose lagu rasaaseeyay dadka ka sii cararayay dhibaatada ka taagan Magaalada Muqdisho.

Kooxo Burcad ah oo ku sugnaa Deegaanka Maryan Gubaay ayaa la sheegay in ay rasaaseeyeen Gaari Mini Bus ah oo ka tegay dhinaca Magaalada Muqdisho, isla markaana waday dad rakaab ah oo ku sii jeeday Deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, si ay halkaas uga sii galaan Dalka Kenya.

Sida uu xaqiijiyay goob-jooge ku sugan Deegaanka Maryan Gubaay waxaa rasaasta la huwiyay gaarigaas ku geeriyooday Darawalkii Gaariga kaxeynayay, halka ay ku dhaawacmeen seddex ruux oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga saarnaa.

Dadkani oo isugu jiray Caruur Haween iyo Dad waa weyn ayaa waxay shalay ka amba baxeen magaalada Muqdisho, iyagoo sida la sheegay ka cararayay dhibaatooyinka aan soo af-jarmeynin ee ka jira Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Kooxo Burcad ah oo ku sugan Deegaano ka tirsan Gobollada Shabeellooyinka. Hiiraan iyo Jubbooyinka  ayaa waxay dhibaato ku hayaan Dadkii ka cararay magaalada Muqdisho, iyagoo kula kaca falal isugu jira dhac, dil iyo kufsi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).