15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Qeybo ka mid ah Ciidamada Itoobiya ee joogay Duleedka Beledweyne oo aaday dhanka Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 29, 2007(HOL): Gelinkii danbe ee maalintii shalay ayaa gudaha Magaalada Beledweyne waxaa siweyn u soo buux dhaafiyay Ciidamo Itoobiyaan ah la arkayay iyaga oo ka adeeganaya qeybo ka mid ah meheradaha ganacasiga Magaalada Islamarkaana sarifanaya lagacta Doolarka ah oo ay u badalayeen Birta Itoobiya.
 
Sida HOL  ay u sheegeen dadka degan goobaha ku dhaw halka ay fariisinka ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya oo ah duleedka Jente-guudsho waxaa la arkayay habeenimadii xalay tiro ka mid ah Ciidamada oo u ruqaansaday dhinaca Xadka gaar ahaa degmada Feer-feer ee ismaamulka Itoobiya.
 
Lama oga ilaa hadda sababta qeyb ka mid Ciidamada Fadhigoodu yahay duleedka Jante-guudisho uga tageen fariisinkooda, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro isbadal laga yaabo in lagu sameeyo ciidamada ku sugan G/dhaxe maadaama kol hore Ciidmado Fadhigoodu ahaa Duleedka Jante-guudihso loo raray Gobalka Gal-gaduud halka kuwo cusub oo ka yimid dhinaca magaalada muqdisho la dajiyay duleedka Magaalada Beledweyne.
 
Waxaa xusid mudan in Maalintii shalay Degmada Guri-ceel  ee Gobalka Gal-gaduud isaga baxeen Ciidamadii Itoobiya ee joogay kuwaasoo ilaa hadda aan la ogeyn sababta bixitaankooda.
 
Laakiin dadka sida weyn ula socda arimaha Malitariga Itoobiya ayaa sheegaya in wax cusub aysan aheyn in la arko Ciidamada Itoobiya oo mar kaliya baneeyay Goob ay fariisin ku lahaayeen,  waayo ayeey leeyiin marka uu soo baxo amar lagu badalayo Ciidamadaasi ma’aha xitaa kuwa suga inta laga keenayo kuwii badali lahaa iyada oo maalmo kadib lagu arko goobtii ay ka tageen kuwo cusub oo fariin ka dhigta.
 
Sidoo kale waxaa ay intaa ku darayaan dadka la socda arimaha Ciidamada aan la ogoleyn is faham dhax-mara Ciidamada Itoobiya iyo dadka ku dhaqan deegaanka ay ku sugan yihiin sidaa daraadeed mar walba waxaa qasab ah in la keeno kuwo cusub.
 
Sikastaba Ciidamada Itoobiya ee jooga G/dhaxe ayaa  la kulmay dhowr jeer oo hore weeraro iyo qaraxyo ka dhan ah joogitaankooda kaasoo ay ku dhiteen inta la og-yahay dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaaso ay ugu danbeeyeen dadkii ku dhintay iska hor-imaadkii ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Matabaan iyo Guri-ceel ee Gobalada Hiiraan iyo Gal-aduud.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).