14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Guriga Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Bay oo mar kale xalay la weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 29, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen guriga Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Bay, Jen. Aadan Xaashi Gaabow, iyadoo weerarkasina uu ku soo beegmay iyadoo magaalada uu saaran yahay bandow.

Lama sheegin ilaa iyo haatan khasaare ka dhashay weerarkaas, waxaase la sheegay in ay rasaas is-weydaarsadeen ilaalada joogtay guriga taliyaha iyo kooxihii soo weeraray oo la sheegay in ay ku hubeysnaayeen qori gacmeedyo AK47 ah.

Wuxuu ahaa weerarkii labaad oo muddo todobaad gudahiis ah lagu qaado guriga Taliyaha, iyadoo weerar dhawaan lagu qaaday oo bambo gacmeedyo loo adeegsaday uu sababay dhimashada labo caruur ah oo uu Janaaraalka dhalay iyo nin ka tirsanaa ilaaladiisa iyo weliba dhaawac soo gaaray 5 ruux oo qoyska Jananka ka tirsanaa.

Warar naga soo gaaray magaalada Baydhabo-na waxay sheegayaan in Ciidamada Booliska Baydhabo ay saaka howlgallo baaris ah ka sameeyeen goobo ay ku tuhmayaan in laga soo agaasimay weerarradii lagu qaaday Guriga Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Bay, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Bay Jen. Aadan Xaashi Gaabow.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka soo cusboonaanayay falal nabadgelyo darro ah, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in ay magaalada ku sugan yihiin Ciidamo Boolis ah iyo kuwo Itoobiyaan ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).