Sabti, December 29, 2007(HOL): Warar aynu ka helnay ilo wareedyo aad ugu dhow dhow xafiiska madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay sheegayaan in uu madaxweynaha ka amba baxay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, isla markaana uu ku sii jeedo magaalooyinka Nairobi iyo Baydhabo.
Wararku waxay intaas ku darayaan in madaxweynaha oo dalka Ingiriiska ay ugu soo dhamaatay baaris caafimaad oo uu sanadkiiba mar u tago uu ku soo wajahan yahay magaalada Nairobi, halkaasi oo marka uu soo gaaro uu kulamo kula qaadan doono wakiillada Beesha Caalamka u jooga magaalada Nairobi.
Marka uu soo dhameysto booqashadiisa Kenya ayaa la sheegayaa in uu madaxweynaha u gudbi doono magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in madaxweynaha uu isku soo aadinayo magacaabidda Xukuumad aad u tiro yar oo uu maalmaha soo socda soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii uu ka baxay Isbitaalka Cromwell oo ah Isbitaalkii Beerka looga bedelay ayaa wuxuu magaalada London kulamo kula qaatay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada London, kuwooda taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii uu ka dhoofay Soomaaliya ee uu gaaray magaalada Nariobi waxaa la dhigay Isbitaal looga daweeyay Burukiito ku xumaatay, iyadoo intii uu Isbitaalka ku jirayna ay soo baxeen warar sheegayay in caafimaadka madaxweynaha uusan wanaagsaneyn, walow uu dhaqtarkiiisa Nairobi sheegay in uu wanaagsan caafimaadka madaxweynaha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia