14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Kolonyo ay la socdeen Kooxda Fannaaniinta Heegan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qarax lagu weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 28, 2007(HOL): Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Kooxda Fannaaniinta Heegan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa lagu weeraray qarax loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, xili ay marayeen inta u dhaxeysa Deegaanka Ceelashada Biyaha iyo Siinka Dheer.

Goob-jooge ku sugan Deegaanka Siinka Dheer, balse qariyay magaciisa  ayaa HOL u xaqiijiyay in aysan miinadaas wax khasaare ah u geysan Kooxda Fannaaniinta Heegan ee Ciidamada Booliska, isla markaana ay Miinadu qaraxday kadib markii ay ka gudbeen.

Kolonyadan ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee qaraxa loola dan lahaa ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen Magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay kaga soo qeybqaateen xus loo sameeyay aas-aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegneyd 20kii December ee aynu ka soo gudubnay.

Warar kale oo aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in uu Kolonyadaas Gaadiidka ah la socday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kala yimid Magaalada Baydhabo.

Dhanka kalena, Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ee ku sugan Deeganka Siinka Dheer ee Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo lagu magcaabi jiray Dhamme Aadan Cabdulle Weydow ayaa  maanta waxaa lagu dilay deegaanka KM13 ee isla Wadadaas, xili uu ku sii jeeday gurigiisa oo halkaas ku yaala.

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay dilka Askarigaas  ka dambeeyeen, kuwaasi oo sidoo kale dhaawac u geystay nin kale oo lagu magacaabo Maxamed Caddow kaasi oo ka tirsan Dadka Goofafka ku leh deegaanka Km13, isla markaana ay wada socdeen Askariga la dilay.

Ugu dambeyntiina, labadaas dhacdo oo daqiiqado yar ay u dhaxeeyeen ayaa maanta waxay ka dhaceen Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo ay xusid mudan tahay  in qeybo ka mid ah Wadadaas ay ku nool yihiin dad badan oo ka barakacay dhibaatooyinka ka jira Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).