Jimco, December 28, 2007(HOL): Dowladda Yemen ayaa waxay dib ugu celisay Dalka Soomaaliya dadka ka soo cararay Soomaaliya oo diyaarad ku safrayay, kuwaasi oo dalka Yemen ku tegay Fiisooyin aan sax ahayn.
Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan Qunsuliyadda Soomaalida ee dalka Yemen ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in dadkani oo tiradooda gaareyasy 27 ruux oo dumar iyo caruur u badnaa dib loogu celiyay Soomaaliya, kadib markii la ogaaday in fiisaha ay wateen uu ahaa mid la been abuuray oo aan sax ahayn.
Xuseen Xaaji Axmed waxaa uu intaas ku daray in dadka dib loo celiyay ay markii horeba qabeen shaki ah in Fiisooyinka ay ku socdaalayeen ay ahaayeen kuwo aan rasmi ahayn sidaasi darteedna ay Muqdisho ka soo goosteen Dukumiinti socdaal oo sii socod iyo soo socod ah (go and back ticket).
Dowladda Yemen ayuu sheegay Xuseen Xaaji Axmed in ay tallaabadan u qaaday iyadoo diideysa in ay ku soo furanto mowjad dad badan oo ku safraya Fiisooyin aan rasmi ahayn oo weliba dhinaca hawada ka soo gelaya dalka Yemen.
“Safaarada Yemen ee ka furan Magaalada Muqdisho iyo Waaxda Socdaalka Dowladda Soomaaliya ayaa laga rabay in ay hubiyaan sax ahaanshaha fiisooyinka ay Dadka ku safrayaan, qaladkana meeshaas ayuu ka yimid”ayuu yiri Xuseen Xaaji Axmed.
Dhanka kalena, Xuseen Xaaji Axmed waxaa uu sheegay in wixii ka dambeeyay 17-kii bishan aysan Xeebaha Yemen gaarin tahriibayaashii Soomaalida ahaa, kuwaasi oo qaarkood ay badda ku dhiman jireen, halka kuwo kalena iyagoo tacbaan ah ay gaari jireen Xeebaha Yemen, isagoo taasina sabab uga dhigay seddex arrimood midood, kuwaasi oo kala ah in Ciidanka Puntland ay howlgallo tahriibka lagu joojinayo ay sameeyeen, in ay hakadka keeneen doomo ka burburay Kooxihii wax tahriibin jiray iyo in ay kooxihii wax tahriibin jiray ku mashquulen arrinta wariye dhawaan lagu af-duubtay Deegaanka Mareero oo ay dadka tahriibayaasha ka bixi jireen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia