Jimco, December 28, 2007(HOL): MeydadkaAfar ruux oo rayid ah ayaa waxaa saaka laga helay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, halkaasi oo shalay ilaa xalay gelinkii dambe ay ku sugnaayeen.
Afarta meyd ee saaka laga helay deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa la sheegay in ay shalay toogteen ciidamada Itoobiyaanka xili lagu weeraray deegaanka Suuqa Xoolaha, iyadoo Afartaas ruuxna ay ahaayeen Dad degan Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Deegaannada u dhow, waxaana xusid mudan in meydadkaas ay ka muuqdeen rasaas iyo beynaad lagu dilay.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay xalay gelinkii dambe ay isaga baxeen Deegaanka Suuqa Xoolaha iyagoo dib ugu laabtay Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax oo ay markii hore ka soo baxeen, iyadoo saaka ay deegaankaas ay si tartiib ah ugu soo noqonayeen dad shalay halkaas ka cararay.
Dhanka kalena, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xeradii Maslax ayaa waxay xireen Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, iyadoo taasina ay keentay in ay istaageen gaadiidkii rakaabka ahaa ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo weliba gaadiidkii caanaha keeni jiray.
Xirnaashaha Wadadaas ayaa waxay saameyn ku yeelatay dadka Muqdisho, gaar ahaan kuwo ku tiirsanaa Caanaha laga keeno Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay Degmada Balcad ka mid tahay, waxaana shalay iyo maanta la arkayaa Hooyooyin badan oo ka cabanaya caano la’aan la soo deristay Caruurtooda.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka oo maanta oo kale sanadkii hore soo galay magaalada Muqdisho iyagoo taangiyo wata ayaa todobaad kasta marka la gaaro maalinta Khamiista ah waxay yimaadaan Deegaanka Suuqa Xoolaha, waxayna dadka deegaankaas sheegeen in sababta ay halkaas u yimaadaan ay tahay iyagoo doonaya in ay gudubsadaan sahay uga imaaneysa qaar ka mid ah talisyada kale ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia