Jimco, December 28, 2007(HOL): Qaar ka mid Saraakiisha Ciidamada Booliska ee ka howl-gala Gobalka Hiiraan ayaa ku tilmaamay Weerar dhawaan ka dhacay saldhiga Booliska Magaalada Beleweyne in uu ahaa mid lagu wiiqayo islamarkaana Meel ka dhaca ku ah howlaha Ciidamada Boolisku ka hayaan Gobalka Hiiraan.
Saraakiisha Booliska oo qaarkood kulan ku yeeshay Magaalada Beledweyne ayaa ka codsaday Dowlada federaalka in ay Jawaab ka bixiso Weerarkii dhawaan ka dhacay saldhiga Booliska oo ahaa sida ay hadalka u dhigeen mid meesha ka saaraya wada shaqeyntii Dowladanimo.
Saraakiisha oo ay HOL wax ka weydiisay sida ay u arkaan hadalkii dhawaan ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobalka ee ahaa in kooxihii la wareegay Saldhiga ama gadoodka sameeyay aysan aheyn Ciidamo Boolis ah balse ahaayeen kooxo Burcad ah ayaa sheegay in warkaasi yahay mid laga xumaado ama aan ku habooneyn Qaf mas’uul ah.
Taliyaha qeybta Gobalka Hiiraan Col. Cabdi Aadan Cadow ayaa sheegay in mar marka qaar uu dhici karo is maandiid soo kala dhax-gala Ciidamada lakiin markiiba waxaa haboon ayuu yiri in Mas’uuliyiintu xal ka gaaraan, waxaase uu tilmaamay in dagaalku yahay mid meesha ka saaraya is aaminaadii u dhaxeysay Ciidamada.
“Shaqada Boolisku ma’aha mid la mid shaqooyinka ay hayaan qeybaha kala ee ciidamada Waayo Boolisku waan kan mar walba u taagan ilaalinta Amaanka Shacabka, sidaa daraadeed kuma shaqeyn karo Booliku in lagu hantado howlaha ay hayaan ayuu intaa sii raaciyay.
Inkastoo Saraakiisha Ciidamada Boolika Gobalka Hiiraan yihiin kuwo wali ka careysan dagaalkii dhawaan ka dhacay Sadhiga Baliiska Magaalada Beledweyne ayaa dhanka kale marka la eego waxaa la oran karaa ma’jiro wax war ah oo ka soo baxaya dhinacyada kale ee maamulka kaasoo ku aadan sida ay u arkaan wararka iska hor-imanaya ee Gudoomiyaha Gobalka iyo Saraakiisha Booliska.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia