14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Iska hor-imaadyo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha oo dhimasho iyo dhaawac sababay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 27, 2007(HOL): Hal qof ayaa geeriyooday seddex ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu  maanta iska hor-imaad hubeysan ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.

Dadka ay dhimashada iyo dhaawaca soo gaareen oo dhamaantood ah kuwo rayid ah ayaa waxaa haleeshay rasaas ay isku ridayeen Ciidamado ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Iska hor-imaadka maanta  ka dhacay Wadada Wadnaha, gaar ahaan Isgoyska Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag oo muhiim u ah dadka iyo gaadiidka doonaya in ay galaan Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu socday muddo saacad ka badan, waxaana intaas dhaceysay, rasaas ka dhaceysa qori gacmeedyo, Gaadiid Dagaal oo ay wateen Ciidamada Dowlada iyo weliba Bambooyinka gacanta laga tuuro oo ay adeegsanayeen Kooxo hubeysan oo Ciidamada Dowladda la dagaalamayay.

Xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa maanta waxay ahayd mid aan xasilooneyn, waxaana yaraa goobo ganacsi oo furmaa, iyadoo taasina ay ugu wacneyd dhinacyada dagaalamayay oo mararka qaarkood isla soo gelayay Suuqa dhexdiisa,  kadibna rasaas isku weydaarsanayay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa nabadgelyo la’aan la soo deristay iyo weliba iska hor-imaadyada hubeysan ee ka dhaca waxaa ay ka dhigeen mid laga sii kala guurayo, iyadoo ganacsato badan oo Suuqaas ku ganacsan jirtay ay haatan bilaabeen in ay ganacsigooda u wareejiyaan Suuqyo kale oo ay ka mid yihiin Siinaay, Suuq Bacaad iyo Suuqii Xamar-weyne.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).