14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Hay’adda MSF-Belgium ku amaray in ay isaga baxdo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 27, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in Hay’adda MSF-Bellgium ay dalka isaga baxdo, iyadoo amarkaasina ay soo saareen Hay’adaha Nabadgelyada u qaabilsan Dowladda Federaalka.
 
Agaasimaha Wasaaradda Amniga Qaranka Shiikh Qaasim Ibraahim ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka socday Hay’adda MSF-Belgium ee ka howlgasha Gobolka Bakool ay kulan la yeesheen Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta maxkamadihii Islaamka, sidaas darteedna la soo saaray amarka ah in ay isaga baxdo dalka Soomaaliya.

Amarkaas ka soo baxay Agaasimaha Wasaaradda Amniga Qaranka waxaa si kulul uga jawaabay Guddoomiyaha Degmada Xudur ninka lagu magacaabo Maxamed Macallin Axmed oo sheegay in amarkaas ay u arkayaan maamul ahaan mid lagu cuuryaaminayo gobolka Bakool, isagoo  nasiib darro ku tilmamay in Hay’adihii Gobolka ka howlgeli jiray ay dhamaantood u guureen magaalada Baydhabo, haatanna Hay’addii u hartay oo MSF-Belgium ah iyadana gobolka laga ceyrinayo.

Maxamed Macallin Axmed waxaa uu sheegay in hadalka uu sii daayay Agaasimaha Wasaaradda Amniga uu ahaa mid shakhsi ah oo laab-la-kac ah, wuxuuna caddeeyay in aysan yeeli doonin go’aanka gobolka Bakool looga ceyrinayo Hay’adda MSF-Belgium.

Sidoo kalena warka ka soo baxay Agaasimaha Wasaaradda Amniga Qaranka waxaa beeniyay C/raxmaan Cali Qaasim oo u hadlay Hay’adda MSF-Belgium, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ay la kulmeen Abuu Mansuur oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Dhanka kalena, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegayaan in ay weli is-ceyrsanayaan Ciidamada Ammaanka Puntland iyo Rag af-duubtay labo Hablood oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain, kuwaasi oo la qafaashay shalay subaxnimadii xili ay ku sii jeedeen xarun Caruurta lagu quudiyo oo ku taala Xaafadda Raf iyo Raaxo ee ku taala bariga magaalada Boosaaso.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maamulka Puntland Axmed Siciid Aw-Nuur ayaa sheegay in shalay gacanta lagu dhigay labo ka mid ah raggii af-duubka geystay, kuwaasi oo mid ka mid ah uu dhaawac soo gaaray, isagoo caddeeyay in raggii kale iyo labadii gabdhood ee ay heysteen-na ay ku hareereysan yihiin Ciidamada Ammaanka Puntland.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).