14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo oo gacanta ku soo dhigay Rag Burcad ah oo falal amni darro ah waday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 27, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa howlgallo ay sameeyeen waxay ku soo qabteen shan Burcad ah oo falal nabadgelyo darro ah ka waday magaaladaas iyo deegaanada hoos-taga.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo Col. Ibraahim Khaliif Shan-Fool ayaa sheegay in raggan burcadda ah ay haatan ku xiran yihiin Saldhigga Booliska Kismaayo, isla markaana si dhaqsi ah loogu gudbin doono Maxkamad, wuxuuna xusay in ay sii wadayaan howlgallada ay ammaanka ku sugayaan.

Howlgallada ay sameynayaan Ciidamada Booliska Kismaayo ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo maalmihii laga soo gudbay uu ammaanka Magaalada ahaa mid aan hagaagsaneyn, isla markaana ay ka jireen falal dhac ah oo dadka looga qaadanayay Taleefoonnada gacan-qaadka ah ee Mobiles-ka.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa si weyn u soo dhaweeyay howlgallada ay sameynayaan Ciidamada Booliska, iyagoo u arkaya in  wax looga qaban karo falal amni darro ah oo in muddo ah ka jiray magaalada Kismaayo oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa nidaam iyo amni  waxaa ugu dambeysay markii uu ka talinayay maamulkii Isbaheysiga Dooxada Jubba iyo mudadii koobneyd ee ay ka talinayeen Maxkamadihii Islaamka, xiligaas oo ay ammaanka magaalada  sugayeen ciidamo hal hoggaan leh, halka ay haatan magaalada ku sugan yihiin Ciidamo dhowr hoggaan leh oo Mileteri iyo Boolis isugu jira.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).