14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dab ka kacay Tuulo hoos-tagta Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo oo Khasaare geystay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 27, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Gaarbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in Tuulo lagu magacaabo Qadiida oo 15km u jirta Degmada Garbahaarey uu dab khasaare geystay ka kacay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dabkaas uu sababay dhaawacyo gubasho ah oo soo gaaray dad tiradooda gaareyso 30 ruux oo da’aad kala duwan isugu jira, kuwaasi oo haatan dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaalka ee Degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Sidoo kalena dabkaas waxaa uu geystay khasaare hantiyeed oo isugu jira guryo iyo agabkii dhex yaalay oo gubtay iyo weliba xoolo nool oo Ari iyo Lo’ isugu jiray, kuwaasi oo uu iyana dabka baabi’iyay, waa sida uu sheegay Gaarane Nuur oo ka mid ah Duqeyda Degmada Garbahaarey.

Lama yaqaano cid ka dambeysay dabkaas khasaaraha geystay, hayeeshee waxay dadka deegaanka sheegayaan in ay u maleynayaan in uu dabka ka dhashay Haash Sigaar oo lagu tuuray halka uu dabka ka kacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dab ka kaco deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, mar sii horeysay ayayna ahayd mar uu dab ka kacay Tuulo Barwaaqo oo Gobolka Gedo ka tirsan uu isna sidoo kale khasaare geystay, iyadoo Dabkanina ay si weyn walaac uga muujinayaan dadka ku dhaqan gobolka Gedo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).