Arbaco, December 26, 2007(HOL): Labo Hablood oo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda MSF-Spain oo ka howlgelayay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, isla markaana lagu kala magacaabayay Pillar iyo Marcediz ayaa saaka laga af-duubtay bariga Magaaladaas xili ay wateen howl maalmeedkooda.
Wariye ka tirsan Idaacadda SBC ee Magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo Jaamac Dabaraani ayaa HOL u sheegay in labada shaqaalaha ah oo ah labo gabdhood ay ku sii jeedeen markii la af-duubanayay xero caruurta lagu quudiyo oo ku taala Xaafadda Raf iyo Raaxo ee bariga magaalada Boosaaso.
Lama yaqaano ilaa iyo haatan halkii ay kooxihii af-duubtay la aadeen labadaas gabdhood ee u shaqeynayay Hay’adda MSF, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn dalalka ay u dhasheen, walow warar hordhac ah oo aan helnay ay sheegayaan in ay labadaas gabdhood u kala dhasheen dalalka Spain iyo Argentina.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide oo wax laga weydiiyay af-duubka loo geystay Shaqaalaha Hay’adda MSF-Spain ayaa sheegay in uusan ilaa iyo haatan xog badan ka heynin arrintaas, wuxuuse caddeeyay in ay baaris wadaan, kadibna ay saxaafadda la hadli doonaan marka ay baarista u soo dhamaatay.
Maalin ka hor ayay ahayd markii gacanta kooxo af-duubtay laga sii daayay Wariye u dhashay Dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Gwen Le Gouil, kaasi oo doonayay in uu warbixin ka sameeyo sida looga tahriibo Xeebaha Boosaaso, wuxuuna af-duubka loo geystay labadan gabdhood ee u shaqeynayay MSF-Spain uu noqonayaa midkii labaad oo mudd 10 maalmood gudahood ah ka dhaca Magaalada Boosaaso.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxay u muuqataa mid aaney ku nabadgeleynin shaqaalah Ajnabiga ah, waxaana ka dilaacay Kooxo Burcad ah oo qafaasha dadka Ajaaniibta ah, iyadoo mar sii horeysayna ay rag hubeysan af-duubteen diyaarad qaad geystay garoonka Boosaaso, inkastoo la sheegay in raggaas ay xurguf kala dhaxeysay ganacsato qaadka ka baayac-mushtarta oo diyaaraddaas soo kireysatay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia