14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo albaabada u laabay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 26, 2007(HOL): Amar ka soo baxay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa albaabada loogu laabay Idaacadda Somaliweyn xafiiskeeda magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi ayaa HOL u sheegay in uu saaka soo wacay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Dheere, isla markaana uu ku amray in ay Idaacadda demiyaan.

C/raxmaan Xudeyfi waxaa uu sheegay in uusan ogeyn waxa lagu heysto, wuxuuse sheegay in aadayaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markaana ay kala hadli doonaan waxyaabaha lagu heysto ee keenay in Idaacadda la demiyo.

Dhawaan ayay ahayd markii uu maamulka Gobolka Banaadir soo saaray sharci lagu dhaqayo Warbaahinta Madaxa Bannaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho, kaasi oo ay qodobadiisa ka mid ah ahaayeen in aan la sheegi karin howlgallada ay sameeyaan Ciidamada Dowladda iyadoo aan ka hadlin saraakiisha u xil saaran, sidoo kalena aan la sheegi karin tirada dadka ka barakaca magaalada Muqdisho iyadoo aan la heynin tiro-koob sax ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo amar ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu xiro Idaacadaha ka howlgala Magaalada Muqdisho, waxaana horay loo xiray dhowr Idaacadood oo Muqdisho ka howlgala, inkastoo ay hawada dib ugu soo noqdeen kadib markii laga wada hadlay waxyaabihii lagu xiray.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Warbaahinta xiligan ka howlgasha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay ku shaqeysaa xaalada aad u adag, iyadoo ay dhibaatooyin ka soo gaaraan dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya, kuwaasi oo aan jecleysan in la baahiyo warar aan kuwooda ahayn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).