Talaado, December 25, 2007(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddiisii aas-aasiga ahayd dib u helay Wariye Gwen Le Gouil oo muddo todobaad ka badan af-duub loogu heystay deegaano ka tirsan Gobolka Bariga.
Sii deynta wariyahan ayaa waxaa dadaal weyn u galay Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga Axmed Saciid Aw-Nuur iyo Wasiirka Ganacsiga C/wahaab Yuusuf Abwaan, kuwaasi oo wada xaajood la galay odayaal iyo waxgarad ay isku heyb yihiin maleeshiyooyinkii af-duubtay wariyaha.
Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga maamulka Puntland Axmed Siciid Aw-Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka International Village ee magaaalada Boosaaso kadib markii Wariyaha la soo daayay ayaa sheegay in aaney jirin wax madax-furasho ah oo Wariye Gwen lagu sii daayay, isagoo caddeeyay in ay kooxihii heystay ay si shuruud la’aan ah ku sii daayeen.
Mar Wasiirka wax laga weydiiyay sida laga yeelayo Wariyaha bacdamaa uu maamulka Puntland horay u sheegay in uu si sharci darro ah ku soo galay Puntland, isla markaana sharciga lagu qaadi doono ayaa wuxuu sheegay in dembigaas laga cafiyay wariyaha, isla markanaa uu dalka ka dhoofayo.
Wariyaha oo qudhiisa Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xoriyaddiisii dib u helay, isla markaana uu isagoo caafimaad qaba uu dib ugu noqonayo saaxibadiisii iyo qoyskiisa.
Wariye Gwen Le Gouil oo deegaanka Mareero ee Gobolka Bari lagu af-duubtay 16-kii bishan ayaa wuxuu gacanta af-duubayaashii heystay ku jiray muddo 9 maalmood ah, iyadoo mudadaasna lagu hayay dhul buuraley ah oo aaney cidina ogaan karin halka looga hayay, wuxuuna doonayay marka la af-duubanayay in uu warbixin ka sameeyo sida ay dadka tahriibayaasha ee ku dhamaada Badda u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya ay uga baxaan Xeebaha Bari.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia