Talaado, December 25, 2007(HOL): Ma’aha wax ku cusub gudaha Gobalka Hiiraan in la arko Ciidamo ka gadooday dhaqaale la’aan la soo daristay iyo waliba in la siin waayay mushaarikii ay xaqa u lahaayeen kuwaasoo ugu yaraan la wareega mid ka mid ah xarumaha dowlada si markaa looga qanciyo arrimaha ay ka cabanayaan.
Waana arin marka aad eegto siweyn u saameysay Maamuladii isaga danbeeyay Gobalka Hiiraan sida maamulkii Xuseen Mux’ed Maalin (Ayax) iyo waliba kan uu hogaamiyo Yuusuf Dabageed oo maalintii shalay Ciidamada ilaalada u ah dagaal xoogan la galay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo gadooday arimo la xiriira Mashaarkoodii oo aan la siin mudo ku dhaw 10 Bilood.
Hadaba Muranka dhinaca dhaqaalaha ah ee u dhaxeeya Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Ciidamada Dowlada ee ka howl-gala Gobalka ayaa lagu fasirayaa in ay sabab u yihiin qodobo dhowr ah, waxaase tan ugu weyn lagu macneynayaa Aqoon-daro heysta Raga Maamulka u qaabilsan dhinaca dhaqaalaha oo la leeyahay ma’aha kuwo u bisil la socoshada halka la marinayo dhaqaalaha laga soo uruursho Kastamada maamulku ku leeyahay qeybo ka mid ah Gobalka oo sida la sheegay maalintii oo kaliya laga soo qaado in ka badan 100,000,000 ( Boqol Malyan) oo Sh. So.
Sidoo kale ka warqabid la’aanta halka uu ku baxayo dhaqaalaha ka soo xarooda Baraha Koontarool ee Maamulku ku leeyahay qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka dhasha in dad gaar ah si qalad ah u adeegsadaan dhaqaalaha maadaama aysan jirin cid la xisaabtami karta, waxaana lagu sheegay Mas’uuliyiinta Sare ee Maamulka Gobalka Hiiraan in ay iyagu yihiin kuwa uga badan ee sida qaldan u adeegsada lacagaha soo gala maamulka waxaase ka faa’iida Ciidamada ilaalada u ah oo qarashaad aan badneyn ka hela, taana waxaa ay keentaa in ay meesha ka baxaan inta badan Ciidamada ka mid ah kuwaasoo soo baraaruga oo kaliya marka xaalku cuslaado.
Kuwa iyagu ka faa’idi dhaqaalaha soo gala Mas’uuliyiinta ay ilaalada u yihiin ayaa qalad u arka gadoodka ay sameeyaan kuwa ka cabanaya mushaar la’aanta la soo darista, Tusaale ahaan dagalkii ka dhacay maalintii shalay gudaha Magalada Beledweyne ayaa ahaa mid u dhaxeeyay Ciidamada Ilaalada gaarka u ah Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yusuuf Dabageed oo laga yaabo in dhowr jeer oo hore la siiyay lacago Guno ah iyo waliba Ciidamadii hore ee Baliiska oo iyagu sheegay in mudo ku dhaw 10 bilood aan heli xaqii ku lahaayeen Maamulka, taasoo muujineysa sida maamulka dhaqaaluhu isugu dhax yaacsan yahay.
Dadka aqoonta u leh arimaha dhaqaalah oo ay HOL arintan kala sheekeysatay ayaa intaa ku daray in hadii uusan maamulku wax ka qaban arinta dhaqaalah islamarkaana aan loo heli rag aqoon durugsan u leh habka loo isticmaalo lacagaha Dowliga ah arintu ka sii xumaan doonta halka hadda ay joogto,
Sikastaba Gobalka Hiiraan oo ka mid ah Gobalada dhaxe ee dalka soomaaliya ayaa waxaa la oran karaa waa gobal sal u ah ganacsigu ku soo hirto, waayo Gobalka Hiiraan waxaa uu marin u yahay dhamaan gadiidka Ganacsi ee siga goosha Gobalada K/Soomaaliya W/Bare iyo W/Galbeed taasoo dhaqaale aan yareyn soo galinaya maamulka ka jira oo haddna ah mid uu la dagay musuq la xiriira dhanaca dhaqaalah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledwen, Somalia