Isniin, December 24, 2007(HOL): Rabi naxariistii Janno ha ka waraabiyee, waxa lagu aasay magaalada Hargeysa Marxuum Cabdikariim Xaaji Ducaale, ka dib markii uu habeen hore ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Alle ha u naxariistee, Chief Caaqil Cabdikariim Xaaji Ducaale, oo ka mid ahaa madax-dhaqameedyada Gobolka Sanaag, waxa uu habeen hore ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, waxaana aaskiisa ka qaybgalay Masuuliyiin saddexda gole qaran, masuuliyiinta xisbiyada qaranka, salaaddiin, cuqaal, culamaa’udiin, bah-waynta saxaafadda iyo dadweyne aad u tiro badan. Alle ha u nuuro xabaashee, Marxuum Cabdikariim Xaaji Duaale, oo aad laysugu raacay inuu ahaa nin aad u nabad jecel, kana mid ahaa rukunnadii adkaa ee horseeday nabadayntii dadka reer Somaliland, ayaa taariikh dheer ku lahaa bahda warbaahinta dalkii Soomaaliya laysku odhan jiray, isla markaana waqtiyaddaas waxa uu Wasaaraddii Warfaafinta Soomaaliya ka soo qabtay jagooyin kala duwan, iyada oo Marxuum Cabdikariim Xaaji Ducaale ay dad badani ku xusuustaan xilliyo kala duwanaa oo soo kala maamulayay Idaacaddihii Hargeysa iyo Muqdisho. Sidoo kalena, mihnaddiisii saxaafadeed, waxa la sheegay sidaan ka soo xigtay Wargeyska Ogaal, inay u dheerayd hal-abuurnimo. Marxuumku waxa uu ifka kaga tegay toddoba caruur ah (shan wiil iyo laba hablood) iyo laba xaas.
Marxuum Cabdikariim X Ducaale maxaa lagu xusuustaa?
Alle ha u naxariistee Marxuumka, waxa laga hayaa waxyaabo aan la soo koobi karayn, balse marxuumka waxa lagu sifeeyaa inuu ahaa nin kaftan badan oo aftahan ahaa. sidoo kalena, waxa la sheegay inuu ahaa nin dulqaad badan, oo nabad jecel. Haddii aynu soo qaadano dhinaca ereyada lagu xusuusan karo, Maxamed Aadan (Dacar), oo shalay aaskii marxuumka ka qaybgalay, ayaa yidhi; “Halhaysaha lagu xusuusto marxuumka, waxa ka mid ahaa; ‘Oday! Daba leex-leexin baad wadaa, qofka uu garan-waayo.” “Xeeb-baad ku warwareegaysaa iyo waa lays biyo-dhiijinayaa; waxba laysula hadhimaayo,” ayuu hadalkiisa raaciyay Abwaan Dacar.
Taariikh Nololeedkii Marxuum Cabdikariim Xaaji Ducaale:
Alle ha u naxariistee, Chief Caaqil Cabdikariim Xaaji Ducaale, oo taariikhdiisa aan qormo keliya lagu dhamaystiri karayn, iyada oo kooban waa sidan:
Marxuum Cabdikariim Xaaji Ducaale, waxa uu ku dhashay Magaalada Ceerigaabo sannadkii 1940-kii. Waxbarashaddiisii dugsiga hoose, waxa uu ka galay magaalada Ceerigaabo 1953-kii. Hase ahaatee, waxbarashaddiisii dugsiga dhexe, iyo waxbarashaddiisii dugsiga sare oo uu ku soo qaatay Dugsigii Sare ee Xisaabaadka Hargeysa (CTC), waxa uu ku dhamaystay magaalada Hargeysa intii u dhaxaysay sannadihii 1956 – 1961-kii. Alle ha u naxariistee, marxuumku waxa uu shaqaddiisii ugu horaysay ka soo qabtay Wasaaraddii Dalxiiska Soomaaliya intii u dhaxaysay 1963 – 1964-kii. Hase yeeshee, intii u dhaxaysay 1964-kii ilaa 1989-kii, waxa uu marxuumku ka tirsanaa Wasaaraddii Warfaafinta Soomaaliya, gaar ahaan Waaxdii Idacaddaha Soomaaliyeed, oo uu ku caan-baxay.
Mudadaa 25-ka sanadood ahayd ee uu warbaahinta ku soo dhex-jiray, waxa uu marxuumku maamule ka soo ahaa marar kala duwan Idaacaddihii Raadiyow Hargeysa iyo Raadiyow Muqdisho. Ugu dambayntiina waxa uu Wasaaraddaa ka ahaa La-taliyihii Wasiirka Warfaafinta ee dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya. Alle ha u naxariistee, marxuumku waxa uu ahaa weriye caan ka noqday mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan dalkii Soomaaliya laysku odhan jiray. Ka dib, la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ee sannadkii 1991-kii, waxa uu qayb laxaad lahayd ka soo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland wadaaga, gaar ahaan kuwa wada-dega Gobolka Sanaag. Sannadkii 1994-kii, waxa marxuum Cabdikariim Xaaji Ducaale loo caleemo-saaray Chief-caaqilnimo beeshiisa ah. Rabi naxariistii janno ha ka waraabiyee, marxuumku waxa uu ka mid noqday guddigii diiwaan-gelinta ururada siyaasadda Somaliland sannadkii 2000, kuwaas oo ka koobnaa 9 xubnood. Guddiggaas uu marxuumku ka midka ahaa ayaa soo saaray saddexda xisbi-qaran ee haatan dalka ka jira ee KULMIYE, UCID & UDUB.
Alle ha u naxariistee, odaygaa wayn ee shacbiga Somaliland ka baxay, waxa qoyska, qaraabadii, ehelada iyo guud ahaanba reer Somaliland ka tacsiyadeeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ku-xigeenkiisa, Axsaabta Qaranka, Shir-guddoonada golayaasha baarlamaanka, siyaasiyiinta madaxabanaan, salaadiinta, fanaaniinta qaranka, mujaahidiintii SNM, culamaa’udiinka Somaliland, ururada bulshada iyo sidoo kale bahda saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay.
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajucuun!
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somalliland