Isniin, December 24, 2007(HOL): Iska hor-imaad hubeysan ayaa maanta wuxuu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo iska hor-imaadkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Iska hor-imaadkan ayaa sababay dhimashada seddex ruux oo isugu jiray labo ka tirsan Ciidanka Dowladda iyo mid ka mid ah Kooxihii weerarka ku qaaday, iyadoo sidoo kalena ay jiraan afar ruux oo rayid ah oo ay dhaawacyo soo gaareen. Iska hor-imaadka ayaa dhacay kadib markii ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo fariisin ku leh Xaafadda African Village ee degmada Hodan ay isku dayeen in ay howlgallo sameeyaan, kadibna intii aysan howlgallada bilaabin ay dagaal kala horyimaadeen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Goob-jooge ku sugan Xaafadda Bangaariyada ee Degmada Hodan ayaa HOL u sheegay in dagaal socday muddo 30 daqiiqo ah uu labada dhinac dhexmaray, isla markaana ay ku dagaalameen Xaafadaha Suuqa Caanaha Bakaaraha, nawaaxiga Masjidka Shiikh Cali Suufi iyo weliba qeybo kale oo dhanka galbeed kaga toosan Suuqa Bakaaraha.
Iska hor-imaadkaas ayaa intii uu socday waxaa gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo dawada iyo qeybta lagu iibiyo Dharka Baatiga ah waxaa ku soo dhacay labo madfac oo qeybta sare kaga dhacay guryo dabaq ah oo halkaas ku yaala, inkastoo ay dad halkaas ku ganacsanayay ay sheegeen in aysan madaafiicdaas geysan wax khasaare ah.
Labo jeer oo hore ayaa mar ay dagaallo ka dhaceen duleedka Suuqa Bakaaraha waxaa gudaha Suuqa ku soo dhacay Madaafiic geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad badan oo isugu jiray kuwo ganacsanayay iyo kuwo wax iibsanayay, iyadoo ilaa iyo haatanna ay dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho ay isku tuur-tuurayaan ciddii ka dambeysay madaafiicdaas khasaaraha geystay.
Dhanka kalena, Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxaa maanta lagu toogtay Deegaanka Xoosh ee Degmada Dharkeenley, iyadoo uu toogashada Askarigaas ka dambeeyay wiil dhalinyaro ah oo Bastoolado hubeysnaa, kaasi oo markii uu dilka geystay kadib baxsaday.
Dilkaas kadib ayaa waxaa dDeegaanka Xoosh gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo qabqabtay dad u badnaa Arday dhiganeysay Dugsi ku yaala nawaaxiga Masjidka Dabaqeynka oo caan ka ah Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia