13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ilaalada Guddoomiyaha G/Hiiraan oo Weerar ku qaaday Ciidamo Boolis ah oo qabsaday Saldhigga Booliska Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 24, 2007(HOL):  Ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa Goor dhaweyd Weerar ku qaaday Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda federaalka oo gelinkii dambe ee shalay la wareegay Saldhigga Booliska Magaalada Beledweyne kadib markii sida ay sheegeen la siin waayay Mashaar mudo ku dhow 10 bilood.
 
Weerarka oo laysku weydaarsaday Noocayada hubka ayaa waxaa uu sababay dhaawaca labo ka tirsan Ilaahada Gudoomiyaha Gobalka Halka Ciidamada Baliiskana uu ka dhaawacmay hal Askari.
 
Rasaasta oo si weyn looga maqlay daafaha Magaalada ayaa sababtay in muddo kooban uu hakad galaan dhamaan adeegayadii Bulshada inkastoo markii dambe xaaladdu caadi ku soo noqotay.
 
Waa markii ugu horeysay oo Ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka uu dagaal ku dhaxmaro gudaha magaalada taasoo su’aalo badan ku dhalisay in badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Beledweyne.
 
Ma’aha Markii ugu horeysay oo ay sameeyaan Ciidamadu gadood la xiriira Mushaar la siin waayay,  waxaana xusid mudan in Maamulkii uu madaxda ka ahaa Xuseen Mux’ed Maalin ay marar badan sidan oo kale ku gadoodeen Ciidamo mushaar la’aan ka cabanayay, kuwaasi iska aamusay markii la bedelay maamulkii hore.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).