![]() |
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi |
Isniin, December 24, 2007(HOL): Waxaa muddo sanad ah ka soo wareegatay markii uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu qirtay in ay Ciidamada Dalkiisa ka dagaalamayaan gudaha Soomaaliya, iyagoo dagaal kula jira sida uu u yiri Islaamiyiin xag-jir ah.
24-kii December maanta oo kale ayay ahayd markii uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu Taleefashinka dalkiisa ka sheegay in Ciidamadiisa ay dagaal kula jiraan Islaamiyiin doonaya in ay weerar ku soo qaadaan dalkiisa, isla markaana ay wiiqaan madax banaanida dalkiisa, isagoo weliba sheegay in dagaalka lagu qasbay.
“Dulqaadkeenii ayaa loo tixgeliyay in aan daciif nahay, ciidamadeenana waa lagu qasbay in ay dagaal galaan, si ay u difaacaan madax-bannaanida Dalkooda oo markaasina ay uga hortagaan weerarro ay Islaamiyiin xag-jir ah ku soo qaadaan Itoobiya”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in ay Ciidamadiisa ka baxayaan Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan oo ay ku soo af-jaraan howlgalkooda.
Laakin waxaa dhacay wax ka duwan wixii uu maalintaas sheegay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, waayo Ciidamada Itoobiya markii ay ka awood roonaadeen Ciidamadii Maxkamdaha Islaamka, waxay sii ku sii siqeen deegano hor leh oo ka tirsan Soomaaliya, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku difaacayeen Magaalada Baydhabo ay u galbiyeen dhinaca Magaalada Muqdisho oo ay weli ku ilaalinayaan.
“Ma jirto Dowlad aan Soomaaliya ka dhiseyno iyo ajende gaar ah oo aan arrintaas ka leenahay, waxaana si xooggan u aaminsannahay in ay Shacabka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan aayahooda”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.
Ciidamada Itoobiya waxay sanad kadib kula dagaalamayaan xaafadaha Magaalada Muqdisho kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda oo marba mid weerara fariisimada ay Ciidamada Itoobiya Muqdisho kaga sugan yihin, waxayna taasi dad badan ugu muuqataa in aysan Ciidamada Itoobiya maaro u heli karin Kooxahaas ka soo horjeeda oo aysan aqoonin bar ay ugu hagaagaan.
Sanad kadib dowladda KMG ah oo ay difaacayaan Ciidamo Itoobiyaan ah weli waa ay jirtaa balse weli awood uma lahan in ay iska difaacdo kooxaha ka soo horjeeda, taasina waxaa ugu wacan iyadoo aysan dowladda lahayn ciidamo cudud leh oo difaac u noqdo, sababtaas darteed ayaana la rumeysan yahay in ay Itoobiya Ciidamadeeda ku sii heyso Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia