13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS oo ku xirmay Dagaallada ka jira Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 24, 2007(HOL):  Dagaallada iyo Nabadgelyo la’aanta ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa ku xirmay Isbitaallo, goobo waxbarasho iyo kuwo ganacsi, iyadoo ay taas sii dheer tahay inay dad badan oo Soomaaliyeed ay guryahoodii ka carareen, isla markaana ay haatan ku nool yihiin meelo aysan ku heli karin adeegyada aan looga maarmin nolosha bani’aadamka oo ay ugu horeeyaan Biyaha iyo Raashinka.

Haddaba Isbitaallada ku xirmay magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS oo ah Isbitaal ay daweyn lacag la’aan ah ku heli jireen Hooyooyin iyo Dhallaan fara badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u badnaa dad dan-yar ah.

Agaasimaha Hay’adda SOS Xafiiskeeda Soomaaliya Axmed Maxamed Ibraahim ayaa wuxuu ka hadlay sababihii keenay in uu xirmo Isbitaalka SOS, wuxuuna sheegay in uu Isbitaalka ku xirmay dagaallo dhowr jeer ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka, kuwaasi oo ay xitaa waxyeello ka soo gaartay shaqaalaha Isbitaalka.

Axmed waxaa uu intaas ku daray in madaafiic dhowr jeer ku dhacday Isbitaalka ay ku dhaawacmeen 16 ruux oo shaqaalaha Xarunta SOS ka mid ah, sidoo kalena ay ku geeriyootay gabar ka shaqeyneysay qeybta caruurta lagu xanaaneeyo, wuxuuna caddeeyay in markii ay intaas oo dhibaato ah soo gaartay ay qasab noqotay in ay joojiyaan howlihii Isbitaalka bacdamaa uu ku yaalo aag dagaal.

Isbitaalka SOS ayaa intii aysan dagaallada ku dhawaanin waxaa maalin walba lagu daweyn jiray Haween iyo Caruur badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood ay qabeen xanuuno ay keeneen nafaqo-darro iyo shuban, iyadoo ay xusid mudan tahay in Isbitaalka uu qalliin ku sameyn jiray Haweenka sida caadiga ah u dhali waaya, kuwaasi oo aaney jirin meel kale oo ay ka heli karaan dhaqaatiir iyo weliba qalabka qalliinka oo dhameystiran.

Sidoo kalena, Xarunta SOS waxaa lagu xanaaneyn jiray caruur badan oo Agoon ah iyo kuwo la dayacay, kuwaasi oo haatan u qaxay deegaannada ay inta badan u baro kaceen dadka Muqdisho sida Madiino, Xamarweyne, Xamar  Ja-jab iyo deegaano oo Muqdisho iyo duleedyadeeda ah, waa sida uu sheegay Agaasimaha Hay’adda SOS Xafiiskeeda Muqdisho Axmed Maxamed Ibraahim.

Agaasimaha waxaa kale oo uu sheegay in shaqaale ka shaqeynayay Xarunta SOS oo tiradooda ay dhan tahay 27 ruux  ay xireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, inkastoo uu sheegay in qaar ka mid ah dadkaas oo da’doodu weyneyd la soo daayay kadib markii ay xiriir la sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku jiro Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, sida uu ku waramay Axmed Maxamed Ibraahim Agaasimaha Xarunta SOS ee Muqdisho waa  markii ugu horeysay oo ay Xarunta SOS u xiranto  sababo la xiriirta dagaallo nawaaxigeeda ka dhacay oo ay dhowr jeer waxyeello ka soo gaartay shaqaalaha Xarunta ka shaqeeya, kuwaasi oo qaarkood haatan dhaawacyo soo gaaray looga daweynayo qaar ka mid ah Isbitaallada Muqdisho

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).