13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Waa Sidee Xaaladda Wariye Faransiis ah oo ku af-duuban deegaano ka tirsan Gobolka Bari?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 24, 2007(HOL): Deegaan Buuraley ah oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa muddo todobaad ah waxaa ku af-duuban Wariye u dhashay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Gwen Le Gouil, kaasi oo ay 16-kii bishan kooxo hubeysan ka qabsadeen Deegaanka Mareero xili uu doonayay in uu halkaas ka soo duubo barnaamij ku saabsan sida ay Xeebaha Gobolka Bari ee Soomaaliya ay uga tahriibaan Dadka doonaya in ay gaaraan Dalka Yemen.

Maalmo sii horeeyay waxaa la soo bandhigay sawirro laga soo qaaday xaaladda uu ku sugan yahay Wariyahan, waxaana sawirradaas oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Reuters ka muuqday Wariyaha oo qaba Shaar iyo Macaawis, isla markaana ay dhinac yaaliin qalab u muuqda kuwii uu ku howlgelayay, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay  gadaasha ka taagnaayeen dhalinyaro afka uu u duuban yahay oo qori gacmeedyo ku hubeysan.

Haddaba Wariye Jaamac Dabaraani oo ka tirsan Wariyayaasha Idaacadaha SBC-Boosaaso iyo Horn Afrik-Muqdisho ayaa waxaa u suurtagashay in uu xog-wareysi qadka taleefoonka ah la yeesho Wariye Gwen Le Gouil,  isagoo weliba ku jira gacanta kooxihii af-duubtay.

Wariye Gwen Le Gouil waxaa uu ku sheegay xog-wareysiga lala yeeshay in xaalkiisa uu wanaagsan yahay, isla markaana uusan wax dhibaato ah qabin, marka laga reebo in uusan heysanin xoriyaddiisii aas-aasiga ahayd.

“Waxaan cunaa bariis iyo baradho, xaaladdeydana waa ay wanaagsan tahay, waxaana rajeynayaa in ay mar dhow i sii daayaan Dadka i heysta”ayuu Wariye Gwen Le Gouil ku yiri wareysiga uu siiyay Idaacadaha SBC iyo Horn Afrik.

Saaxibadiis iyo Qoyskiisa ayuu u sheegay in aysan ka wel welin xaaladdiisa oo aysan u baqin, wuxuuna sheegay in uu mar uun la soo deyn doono, “Dadka i heysta waxay ii sheegaan maalin kasta in ay i sii deynayaan”ayuuna yiri Wariye Gwen Le Gouil.

Diblumaasiyiin Faransiis ah  ayaa dhawaan waxay magaalada Boosaaso u tageen sidii ay Maamulka Puntland ugala hadli lahaayeen sii deynta Wariyahaas, inkastoo mas’uuliyiin u hadlay Maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cadde Muuse ay sheegeen in Wariyahaas uu si aan sharci ahayn ku soo galay Deegaannada Puntland, isla markaana uu uga howl bilaabay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).