Isniin, December 24, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay iska hor-imaadyo hubeysan oo dhexmaray ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan qeybo ka mid Wadada Wadnaha iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Fariisin ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Isgoyska Aadan Cadde iyo agagaarka Hotelkii Daameey ayaa waxaa xalay lagu qaaday weerar xooggan oo loo adeegesaday hubka fudud iyo midka culus, iyadoo sidoo kale ay Ciidamada Dowladda ee la weeraray ay iyana adeegsadeen hub culus.
Intii uu socday iska hor-imaadkan ayaa xaafado u dhow halka uu dagaalka ka dhacay waxaa ku dhacay madaafiic habow ah, inkastoo aan ilaa iyo haatan la soo sheegin khasaare ay madaafiicdaas geysteen.
Mar kasta oo ay iska hor-imaadyo ka dhacaan magaalada Muqdisho waxay waxyeellada ugu badan ka soo gaartaa Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tagto rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac ee dagaalamaya.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa marka habeenkii la gaaro waxaa ka dhaca dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, inkastoo dagaallada dhexmara ay yihiin kuwo aan waqti dheer socon oo dhaqsiba istaaga.
Muddo sanad ah ayay sii caga-cageyneysaa nabadgelyo-darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo wixii waqtgaas ka horeeyayna ay Dadka Muqdisho heysteen Nabadgelyo lix bilood jirsatay oo ay dhaliyeen Maxkamadihii Islaamka ee laga itaalka roonaaday dhamaadka sanadkii hore.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia