Axad, December 13, 2007(HOL): Jamaad Yuusuf Suudi waa 27-Sano jir Naafo ka ah Lugaha iyo Gacmaha Intaba, Waxaa ay dhashay Sadax Caruur ah oo mid ka mid Maalin ka hor lagu soo qalay inta aan kula kulmin Isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweynel kadib markii ay awoodi weyday in ay u musho si caadi ah.
Xasan Saalax Max’ed (Xasan Abootey) oo ah Seyga Jamaad Yuusuf waxaa uu u sheegay HOL in Xaaskiisu tahay mid dhibaateysan isaga oo intaa ku daray in marka lagu soo tago in ay tahay Qof Naafo ah xitaa ay dhib ku tahay in Ilamaha yar ay soo qabsato taasoo qabsan ka dhigeysa in mar walba uu la joogo si uu ula socdo xaaladooda guud.
” Marka ay Damacdo in ay Naaska Siiso Ilmaha waa in aan Aniga u qabto, Sidoo kale waxaa ii sii dheer in aan iyada siiyo Raashinkii ay cuni laheyn, Ma fariiisan karto oo in la kaalmeeyo marka ay damacdo in ay soo fariisato, waana Qof Gaariga Cuuryaanta ah ku socda oo u baahan in gacan la siiyo Ayuu Yiri Xasan Abootey.
![]() |
Xasan Abootey oo dhabta ku haya canugiisa, xaaskiisana dhinac fadhiya: Photo By: C/raxmaan Diini/HOL |
Xasan oo markii aan kula kulamayay Gudaha Isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne Dhibta ku hayay Wiil yar oo maalin ka hor lagu soo qalay Jamaad Yuusuf Ayaa sidoo kale sheegay in Sababta keentay in mar walba qaliin ay marto Xaaskiisa dhaqaatiirtu ku macneeyeen sababo dhinaca (Neerbaha) Maadaama qeybta danbe ee Jamaad aysan aheyn mid shaqeyneysa oo uu dareenkeedu joogo.
“” Sababta Markii horeba aan u guursaday Jamaad waxaa ay aheyd in Ilaah Owlaad siiyo Hadda waxa ay dhashay Sadax Caruur ah waa ay ku filan yihiin, sidaa daraadeed ma’doonayo in mar kale ay dhasho waayo dhib ayeey ka mudatay ayuu sheegay Abootey oo markaa aad u murugeysan.
Jamaad Suudi oo ay HOL wareysatay ayaa dhinaceeda sheegtay in Arinta heysata tahay mid Rabi uu keentay sidaa daraadeed ay Ku qanac santahay Lakiin meesha kama aysan saarin dhibaatada la soo daristay.
Jamaad waxaa kaloo ay sheegtay in marka laga soo tago Xaaladeeda Caafimaad ay dareemeyso dhibaato dhinaca Nolasha ah “” Seyga I qabo waxba ma’heysto mana jirto meel uu ka shaqeeyo sidaa daraadeed waxaan codsaneynaa cid Alle cidii karta in ay Na soo caawiso ayeey Tiri Jamaad.
Inkastoo arinta heysta Jamaad tahay mid ILaah Looga Xamdi Noqo haddana waxaa hubaal ah in ay tahay dhibaato la soo daristay Jamaad iyo nolasheeda caadiga ah, sidoo kale waxaa xusid mudan in Qoyska uu wakiilka ka yahay Xasan Saalax Max’ed (Abootey) yihiin kuwo u baahan in laga kaalmeeyo dhinaca Nolasha sida Iyaguba ay Codsadeed, Sadaa daraadeed Cidaa wax tari karta waa in ay la soo xiriirto Tel:- 0025215541039 oo laga helo Xaaji Gar-guurte oo si ku meel gaar ah ula socda Nolasha Reerkan dhibaateysan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia