13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Xiisado Colaadeed oo mar kale ka dhex taagan Beelihii dhaqaan Heshiiska ku gaaray Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 22, 2007(HOL): Inta la Og-yahay Labo Ruux ayaa ku geeriyootay Iska Hor-imaad ka dhacay inta u dhaxeeysa Deegaanada Ceel-baraf iyo Ceel-qoryaale oo ka kala Tirsan Gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhaxe sida uu Qalabka warbaahinta u sheegay Nabadoon Ciise Cabdi Camay oo ku sugan degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

Iska hor-imaadkan oo u dhaxeeya Maleeshiyada Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa sababay sida wararku sheegayaan Barkaca dadkii Xoola dhaqatada ahaa ee labada beelood kuwaasoo dib  soo laabtay kol hore kadib hishiis ay gaareen Odayaasha iyo Wax-garadka labada dhinac.

Nabadoon Ciise Cabdi Camay ayaa sheegay in Dagaalkan danbe ee dhacay uu meesha ka saarayo Go’aamadii ka soo baxay Shirkii ka dhacay Deegaanka Moqokori ee Gobalka Hiiraan, waxaan uu intaa ku daray in Odayaashii loo xilsaaray dhaqan galinta Go’aamada la gaaray ay ka seexdeen howshi loo xilsaaray.

Ilaa hadda dhab ahaan looma oga sababta keentay dilalkan dambe ee dhacay lakiin waxaa jira in Reer miiga labada beelood ah mid is dhax dega mar walba la filan karay in uu dhax-maro Muran la xiriira dhanaca daaqa kaasoo aqirkii sababi kara dagaal.

Dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafay ayay ahayd markii Odayaasha iyo Wax-garadka Labada Beelood oo ay  kala hogaaminayaan Iimaan Max’uud Imaan Cumar iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ay hishiis Taariikhi ahaa ku kala saxiixdeen deegaanka Moqokori kaasoo Go’aannada lagu gaaray uu ka mid ahaa Qodob dhigayay in qofkii qof dila loo dilo, si markaas loo yareeyo falalka is dilka ah ee ka dhax dhaca labada Beelood,  laakiin xiisadda hadda soo cusboonaatay ayaa u muuqata mid heshiiskaas ka dhigeysa mid aan la fulin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).