13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Qaraxyo iyo Iska hor-imaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 21, 2007(HOL):  Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Saldhigga Degmada Hodan ayaa geeriyooday, seddex ruux oo rayid ahna dhaawac ah ayaa soo gaaray kadib markii ay maanta xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Wardhiigley ay ka dhaceen Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Qarax Bambaano oo lagu weeraray Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa agagaarka Saldhigga Degmada Hodan ayaa waxaa uu sababay dhimashada mid ka mid ah Askartii la soo weeraray iyo dhaawac soo gaaray Haweeney wadada socotay, taasi oo uu haleelay firir ka baxay Qaraxii Askarta lala beegsaday.

Qarax kale oo lagu weeraray Ciidamo mileteri ah oo ku sugnaa gudaha Xaafadda Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigley, gaar ahaan agagaarka Xarunta Xerta Shiikh Aadan Dheere ayaa waxaa uu sababay dhaawac soo gaaray mid ka mid ah  Askartii qaraxa lagu weeraray, halka uu dhaawac soo gaaray qof rayid ah oo ay haleeshay rasaas ay fureen Ciidamadii la weeraray.

Sidoo kalena, Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa iyana maanta waxaa laga maqlayay rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxaana ilaa iyo haatan la ogeyn khasaare ka dhashay is-rasaaseynta labada dhinac dhexmartay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sii kordhaya qaraxyada iyo iska hor-imaadyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, kuwaasi oo aan la ogeyn goorta ay ka dhamaan doonaan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).