13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Wafdi ka socda Kenya oo Muqdisho booqasho gaaban ku tegay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 21, 2007(HOL):  Wafdi ka socda Dowladda Kenya ayaa maanta waxay booqdeen Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo halkaasina kulan kula qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Safiirka ay Dowladda Kenya u soo magacawday Arrimaha Soomaaliya Danjire James Molinga ayaa booqashadooda Muqdisho kadib waxay kulan kula qaateen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho xubno uu horkacayay Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), iyadoo kulankaasina ay goob-joogayaal ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed Jen. Maxamed Warsame Darwiish.

Kulankaasi kadib ayaa waxaa si wada jir ah shir saxaafadeed u qabtay Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere iyo James Molinga, waxayna faah-faahin ka bixiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo ujeedada wafdiga Kenya ka socday ee Muqdisho soo gaaray.

Safiirka Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Molinga ayaa sheegay in ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay u indha-indheyn lahaayeen Xaaladda dalka Soomaaliya iyo sida ay suurtagal ku noqon karto in ay Kenya wax ka qabato arrimo ay ka mid yihiin xasilinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wada hadallada uu la yeeshay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ay ahaayeen kuwo miro-dhal ah.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) oo isna saxafiyiinta la hadlay ayaa sheegay in ay wafdiga ka socday Dowladda Kenya ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan nabadgelyada iyo sidii ay labada dal isu kaashan lahaayeen, wuxuuna caddeeyay in ay arrimahaas meel wanaagsan isla dhigeen, isla markaana la sii amba qaadi doono marka uu safiirka dib ugu soo laabto dalka Soomaaliya bil kadib.

Safiirka ay Kenya u soo magacawday Soomaaliya ayaa dhawaan wuxuu warqadihiisa aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, isagoo isla maalintii warqadaha aqoonsiga la guddoomayna ka qeybgalay kulan ay lahaayeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu u jeediyay khudbad ku aadan sida looga doonayo Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya in ay u gutaan waajibaadka ka saaran Dalkooda iyo Dadkooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).