13.1 C
London
Monday, October 13, 2025

Qaramada Midoobay oo u jawaabtay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah

Jimco, December 21, 2007(HOL):  Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ayaa iska diiday eedeyn uu u soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, taasi oo ahayd in Hay’adaha UN qaarkood ay ka badbadiyaan xaaladda dalka Soomaaliya, isla markaana ay sheegaan warar aan jirin.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Dagaallada Muqdisho ugu dhaxeeya Ciidamada Itoobiya ee taageeraya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda ay ku kalifeen dad tiradooda gaareyso 600,000 (Lix boqol kun oo qofood) in ay guryahooda ka cararaan.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah ayaa sheegay in uu rumeynayo wararka ay u soo gudbiyaan hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

“Waxaan rumeysanahay waxa ay Ururrada ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadannimada ay ii soo gudbiyaan, kuwaasi oo ay warbixinnadooda xaqiiqo yihiin, inkastoo aanan gudaha Soomaaliya si caalami ah u joogin”ayuu yiri Ahmedou Ould Abdallah.

Hadalkan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa wuxuu jawaab u yahay eedeyn uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu u jeediyay Hay’adaha Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in ay dhibaato abuurayaan oo markaasina aysan ka run sheegeynin xaaladaha ka jira Soomaaliya, isagoo si gaar ahna u soo qaatay tirada  Dadka ah ee ay Hay’adaha UN-ka sheegaan in ay ka barakaceen Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).