Jimco, December 21, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay kooxo hubeysan ku af-duuban gaareen Saxafiyad u dhalatay dalka Canada oo howlo shaqo u tagtay magaaladaas.
Wariye Idaacadda Somalilweyn ee magaalada Muqdisho uga soo warama deegaanada Puntland ayaa wuxuu soo tebiyay in Saxafiyaddan oo wadatay howl xog-uruurin ah oo ay ka sameyneysay magaalada Gaalkacyo ay kooxo hubeysan isku dayeen inay af-duubtaan, balse ay ku soo baxeen Ciidamada Ammaanka Magaalada Gaalkacyo.
Ciidamadan Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa haatan waxay ku daba-jiraan kooxihii doonayay in ay Saxafiyadda af-duubtaan, iyadoo saraakiil u hadlay Ciidamadanna ay sheegeen in ay hayaan raadka kooxahaas oo markaasina ay u sahlanaan doonto in ay gacanta ku soo dhigaan.
Isku-dayga la doonayay in lagu af-duubto Saxafiyaddan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo deegaanka Mareero ee Gobolka Bari uu ku af-duuban yahay Wariye Gwen Le Gouil oo u shaqeeya Channel-ka TV5 ee Dalka Faransiiska, kaasi oo markii la af-duubanayay doonayay in uu warbixin ka soo sameeyo dadka ka tahriiba Xeebaha Gobolka W/Bari ee aada dhinaca Dalka Yemen.
Madaxweynaha maamulka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa qudbad uu munaasabaddii Ciidda u jeediyay Dadka Magaalada Qardho waxaa uu ku soo hadal qaaday Af-duubka loo heysto wariyahan, wuxuuna sheegay in uu ka xun yahay af-duubka loo geystay, wuxuuse sheegay in uu Wariyaha qudhiisa qalad sameeyay, kaasi oo ahaa in uu Deegaannada Puntland wargelin la’aan iska soo galay, kadibna uu shaqo ka bilaabay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Diblumaasiyiin ka socda Dowladda Faransiiska ayaa shalay waxay u tageen magaalada Boosaaso sidii ay Maamulka Puntland wada hadallo ugala yeelan lahaayeen sii deynta Wariye Gwen Le Gouil oo dhowr maalmood af-duub lagu heysto.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia