13.1 C
London
Monday, October 13, 2025

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo jawaab ka bixiyay hadal uu jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 20, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu bixiyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo ahaa in uusan haatan Ciidamadiisa kala baxeynin Soomaaliya.
 
Warsaxaafadeed uu golahan soo saaray oo uu Saxaafadda u aqriyay C/risaaq Shiikh Maxamed ayaa lagu sheegay in hadalka Meles Zenawi uu caddeynayo sida ay Itoobiya u dooneyso in ay mar kale xasuuq u geysato inta ka hartay shacabka soomaaliyeed, waa sida warsaxaafadeedka ku qorane.

Goluhu waxaa kale oo uu warsaxaafadeedka ku sheegay in Ciidamada Itoobiya ay horay dileen dad tiradooda gaareyso 1, 500 oo ruux, sidoo kalena ay guryahooda ka barakiciyeen dad kale oo tiradooda gaareyso 1.5 Milyan (Hal Milyan iyo Bar Ruux), kuwaasi oo uu goluhu sheegay in ay haatan ku nool yihiin meelo kala duwan oo dalka Soomaaliya ka mid ah, iyadoo guryahoodiina ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu ugu baaqay Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha in ay il gaar ah ku hayaan dhibaatooyinka ay Ciidamada Itoobiya ka geysanayaan Dalka Soomaaliya, isla markaana ay diiwaangeliyaan.

Dhanka kalena, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in uu soo dhaweynayo hadal uu dhawaan sii daayay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, kaasi oo sheegay in xaalada Soomaaliya oo ka sii dareysa ay tahay in deg deg wax looga qabto, isagoo weliba carrabka ku dhuftay in Dowladda Sacuudiga oo kale ay door ku yeelan karto wada hadallo lagu heshiisiinayo dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Warsaxaafadeedka ka soo baxay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golahaas Maxamed Xasan Xaad.

Halkan ka aqriso hadalka uu bixiyay Meles Zenawi-BBC

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).