13.1 C
London
Monday, October 13, 2025

Sanadguuradii 64aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 20, 2007(HOL): Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay 64 guuradii ka soo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dugsiga sare ee Booliska ee Magaalada Muqdisho.
 
Xafladdan oo goobta lagu qabanayay ammaankeeda si weyn loo adkeeyay waxaa ka qeybgalay saraakiil ka socday qeybaha kala duwan ee Ciidamada Soomaaliya, kuwaasi oo uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, iyadoo ay sidoo kalena ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir iyo weliba Saraakiil ka socday Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

Xafladda ayaan wax qudbad laga jeedin, iyadoo taasina uu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku sababeeyay iyadoo qudbooyinka loogu dhigay xaflad caawa ka dhaceysay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed , taasi oo ay ka qeybgelayaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka soo amba baxay magaalada Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaa uu u sheegay intii joogtay xafladdii maanta ka dhacday Dugsiga sare ee Booliska  in ay Caawa ku casuuman yihiin Xafladda ka dhaceysa Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taasi oo sida uu yiri ay furan yihiin Waddooyinka soo gala.

Xafladda lagu qabtay Xarunta Dugsiga sare ee Booliska oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Safiirrada dalalka Liibiya, Yemen iyo Itoobiya ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya ay tahay mid aan hagaagsaneyn, isal markaana ay caasimadda dalka Soomaaliya ku hardamayaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Ugu dambeyntiina, Gobollo kale oo ka tirsan Dalka Soomaaliya ayaa iyana maanta si weyn looga xusay munaasabadda 64 guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta maalintiisa xusaya iyadoo uusan heysan xuquuqdii uu lahaa, isla markaana ay u sii dheer yihiin falal lagu ugaarsanayo cid kasta oo ka tirsan Ciidamadii Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).