Khamiis, December 20, 2007(HOL): Qarax Miino oo aad u xooggan ayaa saaka wuxuu ka dhacay meel aan u dheereyn fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Qarax loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee maalaha fog laga hago ayaa wuxuu ku qarxay meel aan u dheereyn Dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali oo u dhow Waaskadii hore ee Biyaha ee Degmada Kaaraan, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo uu qaraxaas geystay, balse waxaa meesha uu qaraxa ka dhacay ka qodmay god weyn, iyadoo dadkii deegaankaas ku dhaqnaana ay ka carareen guryahooda iyagoo ka baqaya in ay dhibaato u geystaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaas ku sugan.
Goobo Ganacsi oo ku yaala Isgoyska Sanca oo aan u dheereyn halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa laga dareemayaa saameynta uu qaraxaas ku yeeshay, waxaana yar isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Isgoyskaas iyo weliba dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka jiray.
Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii Gaadiid Kolonyo ah oo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah lagu weeraray Qarax Miino, xili ay ka sii gudbayeen Buundada Magaalada Buur-Hakaba ee Gobolka Bay, iyadoo dad aan kala xiriirnay Magaaladaasna ay sheegeen in ay arkayeen Gaari Ural ah oo uu qaraxaas waxyeello gaarsiiyay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, tan iyo markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo badanaya qaraxyada lala beegsado gaadiidka ay la socdaan Ciidamada Itoobiya iyo weliba kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay dhacdo in ay mararka qaarkood qaraxyadaas waxyeello ka soo gaarto dad rayid ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia