In ka Badan 3000 oo Neef oo lagu daweeyey deegaanka Bowda-Dhogorre
Khamiis, December 20, 2007(HOL): Magaalada Cadaado Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa shalay llagu soo gabangabeeyey tababar 3 bilood soconayey oo lagu baranayey xanaanada xoolaha iyo gargaarka deg dega ah, kaasoo ardada wax ka baratay gaarayeen in ka badan 10 arday oo inta badan laga soo xulay iskaashadata Ximan oo xaruntoodu tahay deegaanka Bowda-dhogore ee isla degmada Cadaado iyo qeybo kala duwan oo degmada Cadaado ah.
Xaflad lagu lagu soo xirayey tababarkan oo muddo saddex bilood ah soconayey ayaa lagu qabtay iskuulka tababarka xanaanada xoolaha ee magaalada Cadaado waxaana xaflada ka soo qeyb galay qeybo kala duwan oo bulshada ah sida bulshada rayidka ah, dhalinyarada, culimada, iyo marti sharaf kale.
Xafladan ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiintan ka soo qeyb gashay maamusida xirida tababarka waxaana ka mid ahaa: C/qaadir Daqare Cali oo ah xoghayaha iskaashatada Ximan wuxuuna soo ardayda u soo jeediyey in ay dadka uga faa’iideeyaan waxa ay ka faa’iideysteen mashruucan tababarka xanaanada xoolaha intii uu socday.
Dr. Maxamed Cumar Eenow ah dhaqtar taxasuskiisu yahay xanaanada xoolaha isla markaasna ahaa macalinkii tababarkan ayaa sidoo kale ka hadlay xaflada wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in lasii kordhiyo xiliga tababarka maadaama saddex bilood aysan ku filayn baahida aqooneed ee xagga ardayda, wuxuuna sidoo kale sheegay in degmadu u baahan tahay dad intaa ka badan oo barta xanaanada xoolaha iyo gargaarka deg dega ah maadaama Gobolka Galgaduud yahay meel dadku ku tiirsan yihiin xoolaha nool.
Ismaaciil Cabdi Xasan oo ah madaxa WHO ee degmada Cadaado ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay xafladaas wuxuuna u mahadceliyey qabanqaabiyayaashii siminaarkan, wuxuuna sidoo kale tafaasiil dheeraad ah ka baxshay baahida loo qabo dadku in ay bartaan xanaanada xoolaha iyo gargaarka deg dega ah.
Intan tababarkan la soo xirin ayaa ardada tababarka dhamaysatay iyo macalinkooda oo ah Dr. Eenow muddo saddex maalmood ah howl shaqo u joogeen deegaanka Bowdo-dhogore waxayna shaqadoodu ahayd in ay daweeyeen ama ay cuduro kala duwan ka talaaleen xoolo gaaraya ilaa 3000 kun oo neef oo ay leeyihiin xubnaha kala duwan ee iskaashatada Ximan, waxayna dadkani si weyn u soo dhaweeyeen daawaynta xoolahooda ay heleen.
Kulan ka dhacay deegaanka Bowda-dhogore oo ay isugu yimaadeen xubnahan kala duwan ama qoysaska ku mideysan iskaashatada xanaanada xoolaha ee Ximan ayey ku codsadeen in si weyn kor loogu qaado arrintan daweynta xoolaha ee haddaba la bilaabay.
Cudurada sida gaarka ah loogala tacaalayo xoolaha deegaanka Bowdo-dhogore waxaa ka mid ah: Sambabka, Cadhada, Dhamiijada, Furuqa, iyo Salaafka waxayna kaloo ka hadleen xubnaha iskaashatada baahida kale ee deegaanku qabo taasoo ay ka mid tahay waxbarashada oo ay rabaan in lasii labanlaabo, biyaha oo ku yar, iyo xaruumo caafimaad oo dadka iyo xoolaha ah.
Mashruucan waxbarashada xanaanada xoolaha ayaa waxaa iska kaashaday Ururka Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed ee Finland SSDA oo xaruntiisu tahay Magaalada Helsinki ee wadanka Finland, wasaarada arrimaha dibada ee dalka Filand iyo ururka Somali against poverty wuxuuna ka mid yahay arrimo badan oo xagga hormarka ah oo uu dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Galgaduud ka wado ururka SSDA.
Cilmi Nuure Wehliye
cilmi_nuure@hotmail.com
Cadaado, Somalia