13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray amar ah in aan la arki karin Askari aan Boolis ahayn oo dhex socda Waddooyinka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 19, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday amar quseynaya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee qaba Labiska Tuutaha ah iyo Midka Cagaaran, iyadoo uu maamulku sheegay in aan ciidamada dharkaas qaba aan lagu arki karin waddooyinka Muqdisho.
 
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Nabadgelyada C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey ayaa sheegay in amarkan oo uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere lagu mamnuucay in Ciidamada Dowladda ee aan ahayn kuwa Booliska aysan socon karin waddooyinka Muqdisho, isla markaana askarigii amarkan u hoggaansami waaya laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

C/fataax Shaawey waxaa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay la qabtay 50 Akari oo gudaha xaafadaha iyo waddooyinka Muqdisho dadka ku dhacayay, wuxuuna sheegay in Askartaas oo hubkii ay wateen laga qaaday xabsiga loo taxaabay.

“Lama ogolaan doono in ay Ciidamo aan Boolis ahayn ay socdaan Waddooyinka, waxaana loo ogol yahay in ay waddooyinka gaadiid ku maraan ama ay xeryahooda ku sugnaadaan”ayuu yiri C/fataax Shaaweey oo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay gacan siiyaan oo ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka sugaya.

Hadalka ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay xaafado ka tirsan Degmada Waaberi ay dhac iyo dil ka geysteen rag ku labisnaa dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay cabasho ka muujiyeen Dadka ku dhaqan Xaafadaha Degmada Waaberi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).