Arbaco, December 19, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed Munaasabada Ciidda Carafo aawgeed ayaa waxay Ummadda Soomaaliyeed ugu duceeyay in ay sanadkan kiisa kale ku gaaraan nabadgelyo iyo is-faham.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in ay Ciiddan Ciiddeeda ku gaaraan samo iyo siyaado, isagoo carrabka ku dhuftay in Ummadda Soomaaliyeed ay muddo dheer dhibaato ku soo jirtay haatan wixii ka dambeeyana ay u baahan tahay nabadgelyo hesho, isla markaana ay gacmaha is-qabsato.
Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu xusay in Ciiddan ay ku soo beegantay iyadoo ay dad badan oo Soomaaliyeed ay Badaha ku dhimanayaan, kuwo kalena ay guryahoodii uga carareen dagaallo, wuxuuse rajeeyay in sanadkan sanadkiisa aan la arkin Dad nabadgelyo la’aan guryahooda uga cararay iyo Kuwo Badaha ku dhamaaday.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo isna hambalyo ku saabsan munaasabadda Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo dhibaato ku jira, wuxuuna fadliga Ciidda Carafo aawgeed uu Allaah ka baryay in uu Dadkaas dhibaatada ka dul-qaado.
Shiikh Aadan Madoobe oo aan qudbaddiisa ku ekeynin kaliya hambalyada Ciidda Carafo ayaa dhanka kale waxaa uu ka hadlay arrimo ku saabsan sida xal loogu heli karo mushkiladda Soomaaliya oo uu sheegay in uu ku imaan karo wada hadal, isagoo caddeeyay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay in ay la hadasho kooxaha ka soo horjeeda.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo laabtay Safar uu ku soo kala bixiyay Dalalka Kenya iyo Itoobiya uu sheegay in Rag ka tirsan Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu kula kulmay Magaalada Nairobi, kuwaasi oo sida uu yiri u soo bandhigay codsi ku saabsan in ay wada hadlaan dhinacyada isaga soo horjeeda Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uu codsigaas ahaa mid muhiim ah oo mudan in la soo dhaweeyo, walow uu ka gaabsaday in uu magacaabo ragga ay Nairobi ku kulmeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia