13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka oo dil iyo dhac ka geystay xaafado ka tirsan Degmada Waaberi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 19, 2007(HOL): Xaafado ka tirsan Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dil iyo dhac ay geysteen Rag ku labisnaa Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan midka Tuutaha.
 
Raggan ku labisnaa Dharka Ciidamada ayaa xalay fiidkii waxay ku toogteen agagaarka Baar Ha I Dhaafin Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Saciid Cali, kaasi oo sida ay ehelladiisa ku warameen  todobaad ka hor laga soo tarxiilay Dalka Sacuudiga.

Sida ay ku warameen dadka deegaanka Ragga ku labisnaa Dharka Ciidamada ayaa waxay doonayeen in ay Taleefoon Mobile ah ka dhacaan wiilka ay dileen, kaasi oo sida ay sheegeen cararay markii ay istaag ku yiraahdeen, kadibna ay ka daba fureen  rasaas sababtay in uu geeriyoodo.

Sidoo kalena, isla Raggaas qabay Dharka Ciidamada ayaa waxay dhac ka geysteen Dukaamo ku yaala Labada Buundo ee Degmada Waaberi hoostooda, iyadoo Dukaanle lagu magacaabo Suldaan Xasan ay ka qaateen 5 Milyan, halka habeen horena ay Dukaan isla xaafaddaas ku yaala ka qaateen lacag dhan 11 Milyan oo Sh. So.

Suldaan Xasan oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in uu ka qabto raggaas ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda ee xaafadahooda dilka iyo dhaca ka geysanaya.

Dhanka kalena, Taliyaha Saldhigga Booliska Waaberi oo lagu magacaabo Taliye Jiif-yare ayaa sheegay in Ragga Dhaca ka geysta Degmada Waaberi aysan ahayn Ciidamada Dowladda, wuxuuna caddeeyay in ay haatan ku daba-jiraan, isla markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).