13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Magaalada Beledwweyne ee Gobolka Hiiraan oo maanta si weyn looga ciiday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 19, 2007(HOL): Waxaa inta badan Maanta Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Soomaaliya si weyn looga Oogay Munasabada Ciida Carafo oo ah Munaasabad ku weyn umada Muslimiinta ah Meel kasta oo ay ku sugan yihiin.
 
Gobalka Hiiraan oo ka mid ah gobalada Dalka Soomaaliya ee siweyn looga Damaashaaday ayaa markii uu waagu baryay waxaa inta badan ka Bilaawaday Misjidyada  ku yaala Magaalada Beledweyne (Takbiirta Ciida ) waxaana si aan kala go’laheyn u soo gaarayay qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwaasoo si wada jir ah u Oogay Labada Rakco ee Saalada Ciida.
 
Laakiin waxaa xusid mudan in Mas’uuliyiinta Maamulka Heer Gobal iyo Degmo midna Maata aan lagu arag Goobihii dadku isugu soo baxay si looga wada qeyb qaato Salaada Ciida, taasoo dadku intiisa badan Su’aalo iska weydiinayay.
 
Inkastoo dadka Reer Beledweyne maata oo kale ay u tahay maalin aad u weyn ayaa hadda waxaa dhanka kale xusid mudan in ay jiraan Qoysas aan iyagu ka qeyb qaadan Farxada Munaasabada Ciida Carafo gaar ahaan kuwa ka soo barkacay Dagaalada ka dhacay Caasimada Muqdisho.
 
” Hooyo ka mid ah Qoysaska ka soo Barkacay Magaalada Muqdisho ayaa u sheegtay HOL in ay la socto Ciida Carafo islamarkaana ku faraxsan tahay, lakiin iyada iyo caruuta ay dhashayba aysan ka qeyb-qaadan dabaal dega Ciida Maadaama aysan heysan Nolal ku filan.
 
Balse Muhiimada ugu weyn ayaa waxaa ay tahay  Heer kasta Nolashu ha joogto e’ in maanta Qof kasta oo muslim ah uu ka qeyb qaatay dabaal dega Ciida Carafo tasoo ah mid ku weyn Maskaxada Umada Muslimiinta ah gaar ahaan Umada Soomaaliyeed.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).