13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in uu soo dhisayo Xukuumada ka kooban 18 Wasiir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 18, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa sheegay in uu soo dhisayo Xukuumad tayo leh oo tiro yar, taasi oo xubnaheeda aysan ka badnaan doonin 18 Wasiir.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay kadib kulan qado ah oo uu shalay la yeeshay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu warbixin ka siinayay safarro uu dhawaan ku soo kala bixiyay dalalka Kenya, Itoobiya iyo Boortaqiiska, isagoo carrabka ku dhuftay in ay safarradaas guul ku soo dhamaadeen.

Xukuumaddii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa dhaliilo ka keenay Beesha Caalamka, Shacabka Soomaaliyeed  iyo weliba qaar ka mid ah Xubno Xukuumaddaas xilal looga magacaabay.

Ra’iisal Wasaaraha oo qudhiisa ka hadlay dhaliilaha ay yeelatay Xukuumaddii uu soo dhisay ayaa waxaa ka mid ahaa in ay tiro badneyd, isla markaana ay inta badan ka timid gudaha Baarlamaanka, wuxuuna si loo saxo dhaliilahaas uu sheegay in uu soo dhisi doono Xukuumado ay xubnaheeda 50% ka imaanayaan dibadda Baarlamaanka.

Xukuumadda 18-ka Wasiir ka kooban ee uu soo dhisi doono Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo dabcan ku saleysan qaab qeybsiga 4.5 ayaa waxaa la sheegayaa in ay Beelaha Soomaaliyeed u kala qaadan doonaan min 4 xubnood oo la siinayo afarta beelood, halka labada xubnood ee soo hartayna la siinayo Beesha Shanaad.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxay dad badan is-weydiinayaa sida ay Beelaha Soomaaliyeed u qeybsan doonaan Xukuumad ay xubnaheeda ka kooban yihiin 18 Wasiir, iyadoo la xusuusan yahay in ay ku heshiin waayeen Xukuumad xubnaheeda ay boqol ruux ku dhow yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).