Isniin, December 17, 2007(HOL): Xaflad balaadhan oo loo sameeyay furista Jaamacadda cusub ee Eelo Amerika ayaa shalay lagu qabtay magaalada Boorama oo laga hirgaliyay.
Xafladaasi waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay xukuumada Somaliland, xildhibaano ka tirsan labada Gole baarlamaan iyo marti sharaf kale oo farabadan.
waxana furitaankii jaamacadan munaasibada loo sameeyay ka hadlay masuuliyiin ka socotay wasaarada Waxbarashada iyo Prof. Axmed Xaashi Abiib oo ka mid ah aas-aasayaasha jaamacada Eelo American ee Boorama, iyo masuuliyiin kale oo badan waxana ay dhamaantood tilmaameen in Jaamacadani wax weyn ka tari doonto baahida aqoonta loo qabo. Jaamacadani kuliyadaha ay ka koobantahay waxa ka mid ah, Engeneeringka. Computer Sceince, Information Technolagy, Iyo Management Science waa sida ay sheegeen mas’uuliyiinteeda.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland