15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Dagaallo xalay ka dhacay fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo ku yaala Degmooyinka Yaaqshiid, Waaberi iyo Hodan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 17, 2007(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxaa ka dhcay weerarro lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka, iyadoo weeraradaasina ay ahaayeen kuwo waqtiyo isu dhow dhacay.
 
Weerarradan oo ka dhacay deegaano ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid, Hodan iyo Waabeeri ayaa midkii ugu horeeyay wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isbitaalka Carafaat iyo Deegaanka Ceymiska, iyadoo dagaalkaasina uu dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaas ku sugan iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Weerar midkaas xigay oo la isugu adeegaday hubka culus iyo midka fudud ayaa waxaa lagu qaaday Xerooyinkii Saraakiisha Shiirkole iyo tii Guul-wadayaasha, iyadoo weerarkaasina uu socday muddo kooban.

Lama sheegin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo uu weerarkaas geystay iyadoo sababtuna ay ahayd in xiliga uu dagaalka dhacay uu habeen ahaa, sidoo kalena ay deegaanadaas mar hore ka barakaceen dadkii rayidka ahaa ee deganaa.

Weerar kale ayaa xalay abaara 9kii habeennimo waxaa lagu qaaday Saldhigga Booliska Degmada Waaberi, waxaana weerarkaasi ku geeriyooday nin waayeel ah oo gurigiisa iska hor-fadhiyay waa sida uu ku waramay Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Meyre Makaraan.

Iska hor-imaadyada xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaa iyadoo mas’uuliyiin u hadlay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay sheegeen in la wiiqay awoodda kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).