15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Milkilaha Shineemo lagu daawanayay Ciyaar ka tirsan Horyaalka Ingiriiska oo xalay la toogtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 17, 2007(HOL): Milkilihii Shineemo lagu daawan jiray Ciyaaraha Kubadda Cagta iyo Aflaanta ayaa xalay waxaa toogtay kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo la sheegay in ay ka soo horjeedaan daawashada Shineemooyinka.
 
Sida ay sheegeen Dad ku dhaqan Deegaanka Mac-macaanka ee Degmada Madiina oo ay Shineemada ku taalo marxuumka ayaa wuxuu u hoggaansami waayay amar ay kooxaha toogtay horay ugu soo rogeen, kaasi oo ahaa in uusan furin Shineemadiisa.

Xiliga marxuumka la tooganayay ayaa waxaa Shineemada ku jiray dad dhalinyaro u badan, kuwaasi oo daawanayay ciyaar ka tirsan Horyaalka dalka Ingiriiska, taasi oo dhexmareysay Kooxaha Chelsea iyo Ansenal.

Shineemooyin dhowr ah oo Muqdisho ku yaala ayaa horay Milkilayaasha iska leh waxaa loo qeybiyay warqado digniin ah oo loogu sheegayay  in ay shineemooyinkooda xiraan, iyadoo kuwo amarkaas ka dhego adeygyna bambooyin lagu weeraray, halka kuwo kalena la burburiyay qalabkii ay Shineemada ku shidanayeen.

Kooxahan la dagaalamaya Shineemooyinka ayaa waxay sheegaan inay suulinayaan dhaqan-xumo ay Shacabka, gaar ahaan dhalinta soo koreysa ku faafinayaan Dadka Shineemooyinka leh.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).