15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Afhayeenka Maxkamadihii Islaamka oo markii ugu horeysay sheegay in aan awooddoodii la wiiqin oo ay weli jiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 17, 2007(HOL): Afhayeenka Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo markii ugu horeysay codkiisa laga maqlayay qalabka warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in aaney waxba ka jirin wararka sheegaya in la wiiqay awooddoodii, isla markaana ay dalka ka carareen.
 
Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in ay ku sugan yihiin deegaano badan oo ku yaala Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay wadaan sida uu hadalka u yiri halgan lagu xoreynayo dalka Soomaaliya.

“Waxaan joognaa gobolka Banaadir iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya, welina waan leenahay awooddeena, waxaana rajo ka qabnaa in aan Soomaaliya ka xoreyno Cadawga ku soo duulay”ayuu yiri Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo ka gaabsaday in uu sheego meesha uu kaga sugan yahay Gobolka Banaadir.

Mar wax laga weydiiyay warar sheegaya in ay xooggag u daacad ah Maxkamadihii Islaamka ay weerar ku yihiin Magaalada Kismaayo waxaa uu sheegay in uusan warkaas waxba ka jirin, “Walaal Warkaas waa been, Kismaayana ma qabsaneyno ee hadda ayaanba joognaa”ayuu yiri Shiikh C/raxiin Cali Muudey.

Shiikh C/raxiin Cali Muudeey ayaa ahaa Xoghaya Warfaafinta Maxkamadihii Islaamka, waxaana lagu xusuustaa shirar is-daba-joog ah oo uu qaban jiray intii ay soceen dagaalladii ay Maxkamadihii Islaamka la galeen Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho iyo weliba markii ugu dambeysay ee uu socday Dagaalkii dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo Xoogagga Maxkamadihii Islaamka.

Hadal Saxaafadeedkan uu bixiyay Shiikh C/raxiin Cali Muudey ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamo ku sugan Magaalada Kismaayo heegan sare la geliyay kadib markii sida ay yiraahdeen Saraakiisha Ciidamadaas hoggaamineysa lagu soo wargeliyay inay weerar ku soo yihiin Xoogag ka amar qaata Maxkamadihii Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).