15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Hay’adda CRD oo howlo nabadeyn iyo dib u heshiisiin ah ka wadda Gobolka Gedo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 16, 2007(HOL): Kulan  ballaaran oo  ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka gobolka Gedo  oo lagu dhameynayo mad-madowga iyo khilaafka ku kala dhex jira dad ku dhaqan deegaankaas ayaa si habsami leh uga socda degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
 
 Kulankan nabadeynta ah oo  ay soo qabanqaabisay Hay-ada CRD ayaa waxaa ka qayb qaadanaya ku dhawaad 100-Odayaal dhaqameedyo ah  oo ka kala yimid  dhaaamaan degmooyinka gobolka Gedo,  waxaana  munaasabadda furitaanka  xarigga ka jaray  gudoomiyaha degmada  ahna duqa magaalada  Mudane Maxamed  C/laahi Xaashi  kaasi oo  ugu baaqay  odayaasha dhaqanka in ay ka faa’iideystaan  fursadda nabadeynta oo ay ku xaliyaan khilaafka dhexdooda ah, islamarkaana ka shaqeeyaan xasiloonida deegaanka  gobolka .

U qeybsanaha Hay-adda C.R.D ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Mudane Faarax Cabdi Xasan  oo furitaankii kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in qeybta hore barnaamijkan Nabadeynta uu socon doono muddo 10 cisho ah,  waxaana ay odayaashu  ku baran doonaan xalinta khilaafaadka, samaynta xeer hoosaad saldhig u noqon kara in ay nabad ka hirgeliso gobolka iyo deegaanada deriska la ah,isla arkaana  ay horumariyaan xeerka ay iyaga dhexdooda ku heshiiyaan iyo in ay baadigoobaan hannaanka nabad kula noolaanshaha beelaha ku nool gobolka iyo deegaanada deriska la ah.
  
 Mudane Faarax Cabdi Xasan  oo ka jawaabayay su’aal ay saxaafadu ka weydiisay in ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka warqabto iyo in kale ayaa sheegay in uu jiray ogolaansho hore oo ay Hay’addu ka haysatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
 
Waa markii ugu horaysay oo ay Hay’adda ka bilaawdo  gobolka Gedo howshan isugu jirta dib u heshiisiinta iyo nabadeynta. Hay;adda CRD ayaa horey howl isugu jira  dib u heshiisiin, nabadeyn iyo maamul u samayn ah ka soo qabatay Gobolada Dhexe, Bay iyo Bakool, kuwaasi oo dhamaantood ahaa kuwo ay ku guuleysatay.

Ismaaciil Xasan Ibraahim
smaelfarhan@yahoo.com
Baydhabo, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).