16 C
London
Monday, October 13, 2025

Buqada Boodaale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu guuleystay in la xiro kadib muddo shan bilood oo ay fatahaad sameyneysay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 16, 2007(HOL): Buq uu ka fatahayay Webiga Shabeelle oo ku taala duleedka Degmada Jowhar ayaa lagu guuleystay in la xiro sida ay ku warameen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.
 
Buqadan oo lagu magacaabo Boodaale ayaa waxay fatahaad sameyneysay muddo shan bilood ah, iyadoo biyihii ka baxayna ay waxyeeleeyeen dhul beereedyo ku yaala Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, halka ay sidoo kale xanibtay isticmaalka Wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobollada Dhexe.

Guddoomiyaha Deegaanka Boodaale Alle-tuug Maxamed Cali ayaa sheegay in dadaal dheer oo uu maamulka gobolka sameeyay  kadib lagu guuleystay in buqdaas la xiro, isagoo xusay in ay qaadatay muddo afar bilood ah sidii loo joojin lahaa fatahaadda ay sameysay Buqdaas.

Fatahaaddan ayaa waxay xayirtay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, iyadoo ay biyo fadhiyaan dhulka gaaraya 4km oo deegaanka Gololey ka tirsan, kaasi  oo aaney gaadiidka mari karin, isla markaana haddii ay dadka socod uga gudbayaan ay ku qaadato muddo saacad iyo bar ah, taasi oo ay dadka dhibtaao weyn ku qabaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa sheegay in ay haatan dadaal ugu jiraan sidii Biyaha looga baneyn lahaa Wadada isku xirta Muqdisho Shabeelaha Dhexe, taasi oo haatan ay biyo fadhiyaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay Guddoomiyaha in ay Hay’adaha samafalka ka codsanayaan sidii meelaha ay biyaha fariistaan loogu sameyn lahaa Buundooyin yar yar oo ay biyaha hoos-maraan mar kasta oo uu webiga Fatahaad keeno.

Ku dhawaad 70 Tuulo oo ku yaala Gobollada Shabeelooyinka ayaa dadkii deganaan waxaa barakiciyay Fatahaadda ay sameysay Buqda Boodaale, kuwaasi oo haatan ku sugan meelo taag ah oo ay ku sii sugnaanayaan tan iyo inta ay biyaha ka baxayaan deegaanadooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).