16 C
London
Monday, October 13, 2025

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo lagu dilay Bar-Koontarool oo ku taala Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 16, 2007(HOL): Kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ayaa habeenimadii xalay waxaa ay weerar ku qaadeen halka lagu magacaabo (Qabno) oo ku dhaw deegaanka Kala-beyr oo 30 km W/Galbeed kaga beegan Magaalada Beledweyne.
 
Weerarka oo ahaa mid aan waqti badan qaadan ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah Ciidamada Dowlada Federaalka sida ay HOL ay u xaqiijeyeen qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada oo sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ka tirsanaayeen kuwii baryahanba weerarada ka waday qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan.
 
Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka Gobalka Hiiraan ayaa Goor dhaw gaaray halka Deegaanka Qabno, waxaana lagu waramayaa in ciidamada Dowladu wadaan baaritaan ay ku sameynayaan goobaha ku dhaw halka weerarku ka dhacay.
 
Ma’aha markii ugu horeysay oo weerar kan oo kala ah uu ka dhaco Deegaanka Kala-beyr waxaana xusid mudan in dhawaan weerar sidoo kale lagu qaaday Ciidamada Dowlada ee Fariisinkoodu yahay Kala-beyr lagu dilay mid ka mid ah Ciidamada halka Askari kalana lagu dhaawacay.
 
Ma’aha oo kaliya Ciidamada Dowlada ee ku sugan Gobalka Hiiraan kuwa uu sameynta ku yeeshay weerarada ay qaadayaan Kooxaha Kacdoonka wada ee xitaa waxaa jira weeraro loo adeegsado Bam kuwa gacanta lagu tuuro ah oo lagu ugaarsado Mas’uuliyiinta sare ee Gobalka inksatoo wali aysan jirin cid ka tirsan Mas’uuliyiinta maamulka oo wax yeelo ka soo gaartay weerarada lagu qaado.
 
Gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa dhowr jeer oo hore ku cel-celiyay in ay gacan bir ku qaban doonaan kooxaha rabshadaha wada, lakiin xaalku wali ma’aha mid fudud gaar ahaan marka aad eegto weerarada Kooxaha aan la aqoon ay ku qaadayaan fariisimada Ciidamada Dowlada Federaalka ee Gobalka Hiiraan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).