Sabti, December 15, 2007(HOL): Kulan looga hadlayay wax ka qabashada xaaladaha amni-darrada ah ee ka jira magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ka degan yahay Gobolka Banaadir.
Kulankan oo ay isugu yimaadeen Odayaal ka socday Beesha Habar-gidir iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Maxamed Cali Xirsi ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadeynta dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
Odayaasha ka socday Beesha Habar-gidir ayaa xubnaha ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay wada kulmeen waxay u sheegeen in ay dhibaatada ka dhaceysa magaalada Muqdisho ay si gaar ah u saameyneyso Dadka u dhashay beesha Habar-gidir, haddii ay ahaan lahayd dhimasho, dhaawac iyo barakac, sidaas darteedna looga baahan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato dhibaatada ay dadkaas sida gaarka ah u qabaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isna kulanka ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in Odayaasha Beesha Habar-gidir looga baahan yahay in ay xakameeyaan Wiilal dhalinyaro ah oo falal nabadgelyo darro ah ka shaqeeya, kuwaasi oo aan dadkooda u tureynin, waa sida uu Wasiirka hadalka u dhigaye.
Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in Maleeshiyooyinka Beesha ka soo jeeda lagu soo biiriyo Ciidamada Dowladda, kadibna ay ka qeybgalaan howlaha lagu sugayo ammaanka Muqdisho, isagoo caddeeyay in marka taas la helo ay dhamaan doonaan dhibaatooyinka jira.
Ma ahan kulankii ugu horeeyay iyo midkii ugu dambeeyay oo ay labada dhinac isugu yimaadaan, waxaana loo ballamay kulamo kale oo looga hadlayo xasilinta Magaalada Muqdisho oo haatan xaaladdeeda ay tahay mid aan hagaagsaneyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia