15 C
London
Monday, October 13, 2025

Iska Hor-imaad xooggan oo ka dhacay Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 15, 2007(HOL): Iska hor-imaad hubeysan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa saaka waxaa uu ka dhacay Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaaraha.
 
Iska hor-imaadkan oo dhacay abaara 7-dii subaxnimo ee saaka ayaa waxaa uu bilowday kadib markii ay Ciidamada Dowladda gudaha u galeen Suuqa, kadibna ay halkaas isku haleeleen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Lama sheegin wax khasaare ah oo iska hor-imaadkaas ka soo gaaray dadka rayidka ah, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo ay subax hore ahayd, isla markaana aysan dadka u soo shaqo tegin Suuqa.

Dad ku sugnaa gudaha Suuqa markii uu iska hor-imaadka dhacayay ayaa waxay sheegeen in kooxaha la dagaalamayay Ciidamada Dowladda ay saaka ku hubeysnaayeen Qori Gacmeedyo, halka ay markii hore ku dagaalami jireen Bastoolado iyo Bambooyinka gacanta laga tuuro.

Iska hor-imaadkaas kadib ayuu xaalad deganaan ah ku soo laabtay Suuqa Bakaaraha, waxaana bilowday isu socodka dadkii howlaha ganacsi u socday iyo kuwii wax iibsiga u soo aaday Suuqa.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa in muddo ah waxaa uu yahay mid aan ammaankiisa la isku haleyn karin, waxaana mar kasta ka dhaca iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo taasina ay keentay in ay ganacsatado badan Suuqa isaga guuraan oo ay ganacsigooda u rartaan Suuqyo kale, halka ay jiraan ganacsato dalkaba isaga tegay kadib markii ay xaraasheen waxyaabihii ay ka ganacsanayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).