15 C
London
Monday, October 13, 2025

Burundi, Ghana iyo Nigeria oo Soomaaliya Ciidamo u soo diraya dhawaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 15, 2007(HOL): Ciidamo ka socda Dowladda Burundi oo gaaraya hal battalion ayaa la filayaa in ay dhawaan soo gaaraan Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo uu ciidamadaas u soo dhamaaday diyaarowgii ay ku jireen.
 
Mr. Nicolas Bwakira oo ah Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Dalka Soomalaiya oo booqasho gaaban ku tegay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Burundi ay qeybtooda ugu horeyso dhawaan imaaneyso Magaalada Muqdisho.

Ergayga oo kadib booqashadiisa Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in cutubkii ugu horeeyay ee Burundi ka socda ay si dhaqsi ah ku imaanayaan Muqdisho, isagoo weliba caddeeyay in uu Soomaaliya booqasho ku tegi doono Wasiirka Gaashaandhigga Burundi, kaasi oo eegi doona xaaladda Magaalada Muqdisho.

Mr. Nicolas Bwakira oo bedelay ergaygii hore ee Midowga Afrika u qaabilsanaa Soomaaliya Mr. Maxamed Cali Foam ayaa sheegay in socdaalka uu Muqdisho ku tegay uu a xiriiro sidii uu wax uga ogaan lahaa xaaladda Muqdisho iyo howlaha ay ka wadaan Ciidamada Midowga Afrrika, wuxuuna caddeeyay in uu aad ula dhacsan yahay sida ay u socdaan howlaha ay Ciidamada Midowga Afrika Muqdisho ka wadaan, kuwaasi oo uu sheegay in aysan kaliya gudan howshii waajibkooda ahaa, balse ay qeyb ka qaateen gurmadka Bani’aadannimo ee loo fidinayo Dadka Muqdisho.

Ugu dambeyntiina, Ergaygan ka socday Midowga Afrika oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay sidoo kalena Dalka Soomaaliya imaanayaan Ciidamo ka socda Dalalka Ghana iyo Nigeria, kuwaasi oo uu sheegay in ay iyana qaban qaabo ku jiraan, bilaha soo socdana ay Soomaaliya gaari doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).